Dawac madow 18-08-2007
Maansadan Dawac madow oo soo baxday 18-08-2007, waa sheeko ka dhalatay dhaqanka soomaaliyeed ee ruux miskiina oo aanay jirin wax dembi ah ee uu isku ogyahay naf ahaantiisa, loo dilayo reer hebel ayaad magac wadaagtiin.

Markaa ayaan u waayey wax aan ku macneeyo, halkaas ayey iiga soo dhacday sheeko aanan weligey markaas ka hor maqal.

sheekadaas oo u dhacday sidan:

Nin dulmilow ahaa oo dadka isku dira, ayaa u yimid nin uu doqonnimo xad dhaafa ku ogaa, wuxuuna ku yiri: waaryaa doqonyohow miyaadan maqal in dibigaagii Lo'da kaaga ilaalin jirey waraabaha uu dawac madow intuu xarig ku xirtay, oo jiiday, oo guri 10 dabaq ah la fuulay uu ku cunay, waar waxyohow soo dalluuca dhiig ma lihide ka kac meesha oo wax iska dhici. Nasiib darro, intuu doqonkii oran lahaa waar naga tag namaamyohow malcuunka ah, ma dibigaygii buurtaa ka weynaa ee Lo'da dili jirey oo xitaa waraabaha ka celin jirey ayaad iila timid waxa cunay dawac madowgii miskiinka ahaa ee aan xitaa Ariga cunin ee cawska un daaqi jirey. Sidaa kuma dhihine siduu dulmilowu la rabey ayaa dhiiggii kacay oo uu aad & aad u carooday, kaddibna isaga oo genmaya ayuu qabiilkiisii reer Dulmi ugu soo galay geed weyn oo damal ah oo ay reer Duullaan ku doodayeen, iyagii laftoodiina umay caqli celine hubka ayey gurteen, waxayna ka billaabeen cid reer xamar ah oo ay 40 sano ka badan deris ahaayeen, ciddaas oo uu duqii ka geeriyoodey, lagana saaray agoontii gurigii ay ku jireen kaddib markii ay kiradii iska bixin waayeen. iyaga oo xamaantoodii ku wata dameerkoodii ay xoolona ka lahaayeen ayey reer Dulmi ka hor yimaadeen dameerkiina rasaas oodda uga qaadeen, halkaas buuna ku qur baxay, markii ay reer Macow Aw Diinle yiraahdeen maxaad dameerkeennii nooga disheen? waxay ku jawaabeen Dawac madow ayaa dibi naga cunay. Reer macow oo aan weligoodba maqal Dawac-Madow baa weydiiyey waxa dawac madow yahay, si fiican bayna ugu sharxeen inuu Dawac madow yahay nooc dawacada ka mid ah oo miskiin ah oo aan Hilibka cunine Cawska daaqda. Markay reer Diinle yiraahdeen oo haddaba maxaa annaga Dawac madow naga galay oo aad dameerkeennii u dhisheen, siduuse idinkaga cunay waaba idinka sheegaya inuusan waxba cunin oo miskiin yahaye?, reer Dulmi waxay ku jawaabeen sababta aan u dilnay waxay tahay dawacii naga cunay dibigeennii iyo dameerkiinna ayaa labadooda magac waxay ka wada kacaan ama ka wada billawdaan xarafka DEEL ama DA', Subxaanallaah. Ibliis waa dijaal xume, Dabbaal buu wuxuu yiri, doqonyohow hagoogani, miyuunanba damiir iyo, dhiig diira kugu jirin ? Sow maanta Duhurkii, Dibigaagi weynaa, Lo'da daadihayn jirey, dili jirey Waraabaha, Dawac madow intuu helay, oo Dawlis adag &, Xarig daaba ku xirxirey, Dariiqaasi lama marin! oo Daarta dheer ee, tobankaasi dabaqana, dusheedaasi lama tegin, dabadeedna kuma cunin? Dufoobayeey dufoobeey, Alla ani dufoobeey, bal inaad dabbaal tahay, Qisadaan dureeriyey, kuma kicin Dareenkuye, sixir miyaa kuu daafulay ? ---- waxa taa ka sii daran, Dibiguu u ooyayo, Dayrtii labaad ee, Damagsane irdood jirey, buu Daa'im oofsaday, duqii reerka lagu xusay, oo hadduuba damagsane, doolaallo dheer &, Safar Dubay ka soo galay, Waa sheeko daabane, halkii uu Dammaadsane, ibliiskii diraayiyo, oran lahaa Dijaalkii, ibliisyohow daguugani, Dagaal ooge inad tahay, Duf ku baxena aad tahay, Dabya holac ka sii tahay, Dibigeygi weynaa, ee Looda didin jirey, dili jirey Waraabaha, baa dawac madowgii, miskiinnimo daraaddeed, Cawskaa un daaqayey, uu Dawlis qaatoo, ku tiktigayna Dibigii, Dubaaqayga geli mee, oo isagoo dabaayoo, Dawliskii ku jiidaya, dibigiina daba galay, Dubaaqayga geli mee ! oo welibana Dabaq dheer, dushiisuu la fuulana, Qalbigayga degi mee ! dabadeedna Dibiguu, Jilba jebiyey Dawacii, Dibigoona daawaa, Lafihiisi diirtana, waa waxaan dabuubtiyo, Caqli diiba geli karin ! ---- Bal intuu dammaadsane, Dooddaasi oran lahaa, buu Dhiiggi diiroo, isagoo daloombaa, Dhididkiisu daadaa, ilmaduna dureeree, Qabiilkiisi duullane, loo yaqaanno reer dulum, Geed Damala hoostiis, iyagiyo Dir Shaydaan, Dood dheeri socotuu, Qaylo kula daloombiyey, doqonkii wuxuu yiri: waawareey dirkaygow, war yaa reer daruuroo, reer Dulum ku noolaa, Dareen weyn ayaa jira, Dibigeygiyoo xalay, Daaraddeydii joogaa, Dawac madow intuu helay, Dabar adag ku giijoo, dabadaana ka eryoo, Dabaq dheer la fuuloo, Dibigiiba wada cunay ! Reer dulumna may oran, naga jooji doqonyohow, dacwaddaada beentaa, ee intey la diireen, oo caro dillaaceen, daldasheen hub badanoo, dabajeexu u yaryahay, dad kuwii u xigey &, Deriskoodi weerare, Reer Macow aw-diinloo, duqii xalayto uu go'ay, Tacsidii dul joogaan, agoontiyo dagaagee, aqalkiyo duruuftii, dameerkay u saarrayd, Reer Dulum rasaastoo, darandoorri u dhecee, Dameerkoodi ku fureen, Dabadeedna diinloo, Dameerkoodi ka dhintaa, reer Duule yiraahdeen, muddaan Deris ahaynoo, idin maan dulmaynine, reer Duule sababteed, Dameerkeenni u disheen ? Dulmi waxay yiraahdeen, Dibigeenni buu xalay, Dawac madoobe naga cunay. Diinloonba weligood, Daafihii shingaaniyo, Degmadii wardhiigley, Docna aan u dhaafina, reer duule ku yireen, Dawac madow muxuu yahay ? Dulum waxay yiraahdeen, Dawac madowgu waa nooc, Dawacada ka qayboo, Caws keliyey daaqdaa, Diinle waxay yiraahdeen, dabadeedo inagaan, Dawac maxay naga galood, Dameerkeeni u disheen ? Dulli waxay yiraahdeen, magacaa Dameerkiyo, Dawacada madaw baa, Deel ka wada billawdaan. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk