Dareenkii maxaa dooriyey? 02-02-2007
Maansadan Maxaan digey ee afarreyda ah oo soo baxday 02-02-2007, waxay ku timid oday ka mid ah odayaasha soomaalidu ka talada qaadato oo cidduu yiraa ha la weeraro ay weerarayaan beesha madaxda ka dhigatay, aayaan ku iri adeerow arrintaasi dhib iyo caro alle ayey keenaysaaye ha laga joogo, ha yeeshee mar alla markuu warkeyga gartay buu si kibir iyo isla weyniyi ku jirto isaga oo luqunta iyo sanka kor u taagaya iga jeestay, maadaama aanuu hadalkaasi u dhedhemayn illeen wuxuuba wax ku yahay waa colaadda iyo dhiigga daadanayee, hayeeshee aniguna waxan ku iri adeer maalin kale ayaad ogaan doontaa carada Alle sida ay wax u gasho. 

nasiib wanaag markii itoobiyaanku soo galeen dalka ayaan maalin arkay odaygii oo gurigiisii dadkii ku noolaa isku balwayaan inta madaafiic si xun loogu soo garaacay, soonihii uu degganaa ee ilaa 7 madfac ku hareer dhacday, dad ku dhintayna ay arkeen ayey ubadkii iyo xaaskiisii ku ooyeen, waxana u dheerayd isaga oo aan markaan hal shilin ka hayn lacagtii dhiigga ummadda soomaaliyeed ka soo geli jirtey, markaa buu nin dameer watey oo uu yaqaannay ku yiri war ubadka ii qixi, anigaa lacag ku siin doonee, balse maalintaasi waxay ku noqotay dadkii maalintii qiyaamuhu dhacayey oo miyir iyo nololi ma jirin.

Nasiib darradiisase dameerlihi baa ku yiri adeer kuwaygii baan weli daldalayaa oo maanta naf kuuma hayo, halkaas buu iska cataabay odaygii isaga oo habaaraya kuwa madaafiicda soo tuuraya, aniguna isagii baan u muujiyey in aan ku faraxsanahay waxa haysta oo aan weliba xusuusiyey maalintii aan ka waayey adeer nabadda ka shaqey, colaadu khayr ma lahee, dabadeedna isaga oo illowsan dhibaatada taagan awgeed buu igu yiri, war maandhow ma waxan oo kalaa la arkay, war ma waxan oo kalaa la arkay? 

calaa kulli xaal afarreydan oo aad u yar balse micno weyn ku fadhisa waxay leedahay:-

Cid aan Dulum samayn muu caddibo, Daa'im suu yiriye,
Somaalaay maxaan digey adaa, daahay Dhegihiiye,
oo maxaan nin da'a waaniyoo, danihi dhaamaaya,
dabadeed is maahiyey siduu, Dabaqyo eegaayo,

oo waxan ka digey maalintuu, joogo Degelkeeda,
isagoo Dhareer daadin oo, weliba Daandaama,
igu yiri anaa Daahirow, Yaab i daashadaye,
Dareenkii maxaa dooriyoo, rogay damiirkoodi,
oo dadkii duggaafado badoo, wada dugaageeyey?



---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk