Denmaarkays ayaan ahay, (Denimaarks baan ahay), 09-09-2018
Somaaliday Qabyaaladu dishee, diidday nolosheeda,
wuxuu yiri Damiir laawahay, Darajadaw dhiibtay,
Dalkaygii markii aan qabiil, duufa ku halaagay, ---
Dabadeedna Yurub aan u qaxay, tiriyey Dood beena,
Denimaak markii aan tegeen, dalabkii aan geystay,

dacdarrada indhaha iyo Wejiga, diifta igu taalla,
Daanishkii hadduu daawadee, naxay damiirkiisi,
Dokuminti buuxiyo haddii, Dalabki la siiyey,
oon degaan ku yeeshiyo dhul aan, Dhansi ku ciyaaro,
waan dafiri Soomaali iyo, Daashashkii hore e,
duniday ogow inan wixii, maanta ka dambeeya, ---
waan dekayni oo waan tumaa, cabi daroogaadna.

haddaa

Denmaarkays ayaan ahoo ma rabo, Degelka soomaali,
ha la dunsho dabeed waa la heli, Dawlad caadilahe, 
dan miyaan ka leeyahay cidduu, dumi hoggaankeedu,
oo Qaxa dabayshayda oo, dabada faydaysa?

Ubadkaygi haddaan durugsadoon, dibadda aan geystay,
oo aan dejoon meel nabada, Daaro uga jeexday, --- 
dan miyaan ka leeyahay cidduu, dumi hoggaankeedu,
oo Holac ka duulaayo oo, guban degaankeedu,
oo Qaxa dabayshayda oo, dabada faydaysa?

inkastuu dalkaygii ahaa, Degelka soomaali,
oo aan Dirkiisii ahiyo, durriyadiisiiba,
oo abkay degaansani jiroo, Duunyo ku dhaqaayey,
mar haddaanan Damiir iyo lahayn, Diinan ka xishoodo,
oon ka liito gaalkaa duddubin, Hilibka doofaarka,
oo khamrada durduuraayo oon, Daa'imka aqoonin,
wixii dumi maxaa iigu jira, ama dabayshaaya,
oo gebigu soo dumahayoo, holac ka duulaayo?

wixii dumi maxaa iigu jira, ama dagaagaaya,
internetka duuliyo haddaan, Haysto DELLya Nooba, ---
dooddiyo dushaan kala socaa, dabakarruubkoode, 
mar haddaanan Damiir iyo lahayn, Diin i celinaysa,
dan miyaan ka leeyahay wixii, dunida aafoobi?

makas aan dirdiro iyo anoo, Daanaqyaba haysta,
oo sidaan dureeraa Lo'iyo, Ari u daajaayo,
oon qabiil ku diirshiyo ka kaca, guba deggaankiinna,
waa ballan inaan daba rogaa, degelka soomaali, ***
waa ballan inaan daba rogoon, Dabaq ka tuuraaye, ***
oon Dalka iyo xaraashaa dadkoon, Deyn ku iibiyo e,
Dan miyaan ka leeyahay ciddii, Dabada jeedaysa?

Somaalidan dekaamaysa ee, dunida tuugsayda,
iyagoo yaqaan doqonnimiyo, Daanaqnimadayda,
intay Doollar igu dooratiyo, qabaliyoo Duufa,
iyagays dulleeyoo aniga, ii durbaan tumaye,
oo Derejo iyo Xilan mudnayn, iigu sii daraye,
oo taajka igu duubtay oo, daadshay caanaha e,
dan miyaan ka leeyahay ciduu, dumi hoggaankeedu,
oo holac ka duulaayo oo, Qarax daryaamaayo,
oo Qaxa dabayshayda oo, dabada faydaysa? 

anigoon wax Diin iyo lahayn, dhaqan duruuseedba,
oon iskool la ii dirin intaan, Dunida soo joogey,
Derbi jiif anoo lay yaqaan, koollo duddubaaya,
oo jaadka daaqaaya oo, caba daroogaadka, ---

xildhibaan Dadkaa iga dhigtee, darajaday dhiibay,
ee markaan dangiigsaday kursigi, Dabada aan saaray,
igulaba dagaalaa inaan, Diinta ku ciyaaray,
oon qodob dastuuriya jebshoon, Daalim ahay tuuga,
Been bay daddaansheen sidii, Dalawga ceelkiiye, 
Dan miyaan ka leeyahay wixii, kala dabayshaaya,
saxaranaw dagaagaysa iyo, Nibiri daaqaayo?

wuxuu yiri Damiir laawahay, Darajadaw dhiibtay,
way duddubi yaqaanniin waxay, dhidid u daadayne,
markay jeebka dalaq siinayeen, Doolarki aan siiyey,
kama ay dahsoonayn inaan, Daalim ahay weyne,
iyagaan Damiir iyo lahayn, Diintay sheeganiye,
waa dad Been ka dukaansadoo, Diibba garanayne, ---
igu duub inaan aarsadoon, Dacar magawsiiyo,
oon ku dhaho damiinnaad tihiin, dawdar raadsadaye,
soo mataga Dahabkiyo waxaad, Doollar iga qaadday,

Duul uu dullaystoo qabiil, Daaqad kala booday,
buu ku yiri Damiir laawahay, Darajadaw dhiibtay,
idinkoo Damiin inan ihiyo, garan duruuftayda,
dabci xumana degaankaan ka imid, la iska kay dayrshey,
oo dembiga bulshada aan ka galay, laygu daba joogo,
markaad shilinka igu doorateen, Damac idiin geeyey, ---
ogaydeen inan Daanaq iyo, daalim ahay weyne,

Maamul aad ku wada diirsataan, Daacad u adeega,
oo Agoonta daaddihinayoo, Cido daryeelaaya,
iyo Daawo inaad iga fishaan, waa Damiir li'iye,
kaftan bay dantiinnuse tihiyo, Doodo ka abuure,
+
Damac kuu ka galay waa Dameer, iga Daliig dheere,
iga suga dalkiinnoon guboon, Dalagga aafeeyo,
oon Darato soo waaridiyo, Cudurro Daacuuna,
baddiinnana ku daadiyo suntii, Dunidu soo tuuri, ---

wuxuu yiri Damiir laawahay, Darajadaw dhiibtay,
Anoo zino ku daanshooda oo, daba dhuqlaynaaya,
iska daa inaan ruux Dumara, muuqi daawado e,
Dirac qura haddii aan arkaba, Biyaha daadaaya, 
oon dardari agabkay hor yaal, Dabarka goosaaya,
Dal Islaama wixii yiri Daryeel, Diintana ilaali,
waa dad beenu dilatoon lahayn, Dabarya iimaane,
+
dan miyaan ka leeyahay ciduu, guban degaankeedu,
oo Qaxa dabayshayda oo, dabada jeedaysa,
dabeetana Badweyn uu ku cuni, Nibiri daaqaaya?

Dawlo dhisan ma oggoli intaan, dunidan foofaaye,
markii aan DANTAYDAA watoon, Darajo goobaayo,
oon Dacaam ka raadsani dadkaan, Diiris laga waayey, 
Qabiil baan u kaashaa Dantaan, gaar u doonayo e,
+
Dib-ka-naax anoo raadsadiyo, wixi dabbaalooba,
dabadaan la geli Reer-Dulliyo, Reer Dibbira-weyne,
Dammanahan kacaa oon weliba, Caaqa dacayeyne, 
intii uu Caqligu daayey baan, Daayda oranaaye, 
Dan miyaan ka leeyahay waxay, horori duufaani, 
oo qaxa dagaagaaya oo, dabada jeedaaya?

Doqonkooda baan kicininayaa, Dood ku leeyahayna,
innagoo NALOO DAAYO wixi, lugu dekaynaayo,
oo ruux nasoo deyi karaa, jirin degaankeenna,
oo dagaal naloogaga baqoo, nalaga diiqoodo, 
miyey maanta reer Dige cunaan, Dalagga noo yaalla,
Reer Dujaa na daandaansan baan, dhihi dalluucooda,
Reer dukaana nugu taaganoo, diiddan nolosheenna,

markaa buu intuu diiro oo, dhiiggu dilalyeeyo,
buu waxaan soo dila iraa, dili agoontooda, 
duufaani haddii ay kacdee, duulo ololkeedu,
waan aqaan dalkii aan ka imid, shalay dorraadiiye,
Dan miyaan ka leeyahay wuxuu, guban degaankoodu?
oo ma Danan ka leeyahay waxaan, duban carruurtooda?

Dadkii shilinka igu doortay ee, dalaqda siinaayey,
oo qabiilka darajeynayoo, Diinta ka abaaday,
iyagoo dabeecey yaqaan, kana dahsoonaynna,
iyo inaan Dijaal doorin oon, cunayo Doofaarkaa,
Diin li'ida igu doortay iyo, Daanaqnimadayda,
oo inaan dulmaayana ogaa, shalay dorraaddiiba,
dib inay ka sheegtaan dadnimo, iyo Damiir diiri,
dalabaadna ay keensadaan, Saacad dabadeeda,
oo caddaalad baan dooni iyo, sharaf ku doodaanna,
taasaa damiinnimo u weyn, iyo dabbaalow e,
dan miyaan ka leeyahay cidduu, guban degaankeedu,  

Baarlamaan dejiya xeer la yiri, waa Dastuur kuraya,
oo la yiri Dadkeenniya Dalkiyo, Dunida miisaama,
isku keenna sii dirahayoo, hurin Dagaalkeenna,
Dabcigaa waxaa keenayee, belo duggaaleenna,
Dullinnimo u gaaraa jirtee, hooda dulucdeeda, 

Shir degdega markaan leennaheen, qodob ka doodayno, 
Dahabiyo markuu Dumar hadlee, hadal daddaamaayo,
Diiboo khudbayn iyo markay, Deeqo dananayso,
makrafoon ku dirirayso oy, dhididika daadayso,
inkastoy iyadu daacad tahe, wadato dooddeeda,
dabcigaa raggiyo waxan dhammaan, wada dareemayno,
qudheeduna ay daawani raggaa, soo deyaa iyada,
kama duwana sariirtii dusheed, inan dabaalayno, 
oon aroos dekeynayno oon, Daarti ku cawayni, 

Dibnaheeda dhiigga leh afkaa, diririgleynaaya,
isha ay dabee xarakaday, kala dambaysiini,
Bariday daddaamayso ee, dulundulcaynaysa,
Bari dulun-dulcayn goorti ay, Daanta fiirisoba,
naasahaan deyeyniyo intii, kicin dareenkeenna,
intay iyadu dooddii waddoy, hadal dureerayso,
iskeed bay u daadee Shahwadu, Dumar la'aantiise,
maxaan xeerar dejinnaa waxbaa, Deegta noo surane?,

wixiiseysku keen daray ayaa, dhigay Dunuubtaase,
duulkase ka sii liita ee, gudaya Layl daama, ---
waa Dadkaa masaakiinta ee, Dano ka dhawraaya, ---
oo Dan guud ka dhawraaya iyo, Dawlad caadilahe, ---

Rag qalbigiisa daandaamayee, dibedda meeraaya,
oo miyirku dumar uu jiroo, guda dabaalaayo,
waa waxa dastuurkoo qabyiyo, dilalka keenaaye,
waxse daarta wada geliyey baa, dhigay dunuubtaase,
oo xeerka wada deja yiraa, rogay degaankeene,

dulli & damiir laawahow, Dalagga aafeeye,
Dulmigiyo ka daa gaaladaa, Dabci xumaantaada,
Diin li'ida kumay daran xumaan, duugta noloshoode,

anigoonan ku daraynin kuu, dhiman damiirkiisu,
suudkaa dareyskuu watiyo, kabaha duugoobay,
dib u soo dalaabaayoo, darajo goobaaya,
iyo wuxuu dukhuulaayo iyo, dalaq wuxuu siiyo,
dad dareen leh Eeebbow na sii, dhiman damiirkoodu,
oo akhlaaqda noo soo duwoo, Diinta u adeega.
------
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk