Dammaney Soomaal. 08-05-2006
Maansadan DAMMANEY SOOMAALI oo soo baxday 08-05-2006, waxay ahayd xilliigi maxkamadaha loo yaqaannay dagaalkii ka dhacayey Sii-Sii (CC) ama soonaha Sanca - Xamar, ayey labadii koox ee ku daggaallamaysey iskula riiqdeen si ka duwan dagaalladii la mid ka ahaa ee ay dagaalayeen, waana tan maansadu:


Dirkii uu Somaalaay,  Daa'im dhawray mooyee,
Dammaney Soomaal, Eeddadey ma diiraay,

Caloolyow ku daaqaay, dhaqankii dayuusley,

Boholaha dugaaggee, Danaystuhu ku dhuuntaay,

Dhiiggeeda caba iyo, guryaheeda dumiyaay,

Madfacoo daryaamaya, Dig markuu yiraahdee,
Lixdan ay ka duushaba, Maydka oon la duugayn,
daldalayso dhaawaca, taan dareenka kaca iyo,
Danqashada ka waayaay.

Dhulkeedoo dihnaayoo, Kalluun uu dareerayo,
Qaxooti u dalaabaay,

Webiyada dalkeedoo, qarqiyeen Dadkeedii,
Baahi dawarsaneysaay,

haddaad Toban ku duubtiyo, Dusha ood ka taabee,
isku si u dareemaay,

Tii Diin Islaam iyo, Carruurtii dillaashee,
Bac madow la duushaay, 

Dambigay samaysaba, deriskeeda saaraay, 

Rasaas kay dilootiyo, kan dul taagan goobtaa,
ee inu ka daabbulo, Dhaawaciisa doonaya,
mid damboo yimaadiyo, Godkaw wada diyaaraay,
Dilka wada sugaysaay,

yaan Diinfta kugu taal, reer hebel dareeminay,
Qosol aan duxayn oo, hoos u sii degayn bay,
Daamankiyo maqaarkaa, kor u sii yar duubtaa, 

kay shalay diraysee, Duul kale xasuuqayey,
tuu maanta dilayaay,

waxa saa u dagayee, Dabarkeeda goynaya,
waa Qab-iil dullaystoo, Dambaskiisu muuqdee,
misna maba dareemaay.

Aan ugu dambaystii, Dabka Xamar ka qiiqaya,
sababtiisa doorkiyo, dulucdiisa sheegee,
halka Dhiiggu daadaa, Daadduunka SIISII,
Degaankuu ka dhacayiyo, dugsigaasu waa kii,
Daciifkiyo miskiinkii, dambi laawayaashiyo,
Ahlu-diinki Gaalgalo, Dhegta dhiigga loo daray,
waa abaal duxaayee, Eeddadey ma diirana,
weli maba dareensana,

waa taa daraaddeed, Dhiiggeeda daatiyo,
Dayacaaddu haysee, Qab-iil tuu dullaystaay,
Dadnimadi ka guurtee, Damiir li'i u guurtaay,

aan Deelka gooyoo, Allahayga Daa'ima,
Dacwad aan u dhiibtee, Daa'imow ilaahow,
Dalkaygiyo dadkaygii, baa sii dhabayshane,
Dabayl caafimaad iyo, Dawo khayr leh noo keen.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk