Dameeraha u dir naxa, 25-08-2005
U DIRNAXA DAMEERAHA oo soo baxday 25-08-2005 waxay in yar ka taabanaysaa dhibaatooyinka xad dhaafka ah ee lugu hayo dameeraha iyo gebi ahaanba Daabbaadka ilaahay na siiyey, ee iyagoo kumanaan jeer naga xoog wayn Ilaahay noo saqiray.

Taasi waa mid ka mida Cuqubooyinka waawayn ee Ummadda Soomaaliyeed ugu wacan Qaxa iyo qalalaasaha aan dhammaadka lahayn, mana jirto amaba aad bay u yaryihiin Culumma ka reebta dadka Caammada ah waxyaabaha caynkaas ah, oo u sheegta in ay ciqaab xumi ka imaanayso, oo Culummadii lafteeda ayaaba dhibkaas qayb ka ah, oo Dameero leh, iyadoo la gaaray in Nabarro laga duleeliyo si qoray loogu juqeeyo, oo wuxuuna tabartiisa ahayn ula boodo, qaarna wayba daroogeeyaan si uu dareenka dhami uga dhinto, oo 24 saac u duulo ilaa ay naftu ka booddo isagoo rar sida.

haddaba Maansadan oo aad u yar marka loo eego dhibaatooyinka Dameeraha lugu hayo, waxa ay leedahay:

Adduunyadan haddii aan dayeen, sii dabayliyeyna, 
dhankii aan dayaba waa Dameer, duulkan sii rarane, 
in yar oo Dareen ahi hadduu, jiro Damiirkaaga, 
sida duulkan loo gula dhaqmaad, didi habeenkiiye, 
jiifkaad ka duulee riyada, Debin dhexaadkiiye,

Dacay iyo intii Dawlis iyo, Diiqad loo geliyo, 
Dacashana xaddiid looga xiro, Dibintu laallaaddo, 
ayaa lugu raraa Daaro iyo, Dabaqyo dhaadheere, 
oo culays wuxuu daabbulaa, Dibile qaadayne,

Duqii oo dul fuuloo markaa, daab la sii dhacaya, 
dumarkiyo carruurtuna dushaa, uga dekeynayso, 
nabarruu ka sii diirayaa, suu u damaqaaye, 
Jeeniguu darraaddii ka jabay, cidina daawaynin, 
jacjac iyo dig buu ugu daraa, diifti uu qabaye,

iyadoo sidaa loo diloo, dhiigna daadanayo, 
oo uu difaac iyo lahayn, daabka iga daaya, 
wax daboola noloshiisa oo, deeqa lama siiyo. 

wax kastuu dulqaatuu in badan, reerki daabbulaba, 
oo Daynabiyo Deeqo iyo, Daahir soo koriyo, 
oo weli Daleel Bii-Ej-Dhii, qaato diritoorka, 
dameerkii intaa soo maree, cidaha doojaayey, 
wax kastaa Da' bay leeyihiin, noloshu deyneeye,
markii uu duqoobee rarkii, soo daldali waayo, 
cidi may daryeeshoo abaal, looma soo dumo e, 
waxa loo diraa duurka iyo, Bahal dilaagiisa. 

Dabadeed miskiin daahan iyo, waa Dameer wuxuye, 
isagoo xusuus door tegiyo, Dayra hore eegi, 
Laamiguu ku daabbuli jiruu, nolol ka doontaaye, 
halkaasuu ku dili Tii-Em iyo, Dibile duulaaya. 

Qof kastoo Dameeraha wadaan, siin digniin culuse, 
markan aad dilayseed la dhici, daabkan aad sidato, 
qawl uu ku doodaa jiriyo, Deel Xaddiis Nabiye, 
ninkan iga damqaayee nabraha, Daabkan ila fuulay, 
Dugaag iyo Dhurwaa maad dul dhigan, Kiilo Daango ahe, 
daaqiyo anoo xoog ka badan, baad i darayeyne, 
Alley kaa dulleeyoo adiga, iina kaa duraye, 
iimana disheen sidan hadduu, Eebbe ii dirine,
dilkeygaa badsoo haydirnixin, ama yaree Daabka, 
waxa uun Xisaab noo dejaa, Daa'im labadeenna. 

ma dirnaxe dantaad leedahee, dano adduunyaada, 
oo aad u dili ood dameer, ugu dullaynayso, 
dusha ugu sarraysiyo halkii, kama dambaystiiya, 
waa inaad naftaadaa dejido, daar udgoon badan leh, 
ood hilibka daaqdiyo cuntada, dooro iyo dhaylo, 
amaad darayga caanaha cabtiyo, Maraq laguu diirshay,

Balse nafaad dedaysood sidaan, ugu dadaalayso, 
haddaad dayax gacmeed iyo cirkiyo, dabaqyo dheer saarto, 
ama aad ku duubtood jawaan, kaaso dalaq siiso, 
rabbi ruuxa kuu deyn mayoo, wuu ku dilayaaye,
duhur baad ka tegi duunyo iyo, cidad danayneehe,
dulmigaad gashiyo deymihii, Dalaggi aad qaadday, 
sakaraadka diiqdiisa baad, garan dunuubtoode, 
inta ruux ku diirayo dantiyo, garo dabuubtaada.

waa iga digniin somalaay, kama dambaystiiye, 
qof Dameer watiyo kii isagu, taa ku daawanaya, 
maalin lays dubaayaa imaan, Naaru doobbiyiye,
dameerahaw dir naxa Dadow intaan, Ruuxu idin daynin, dabayeysan.

Naaru kugu doobbin, Naaru kula duulin. Malak ku soo doonin. ruuxu idin deynin, 

u dirnaxa dameeraha intaan, laydin kaga duubin.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk