Dabar go'iinnii 01-02-2005

Maansadan Dabar go'iinnii oo soo baxday 01-02-2005 waxay soomaalida ku leedahay haddii aad Diinta aad sheegato ku dhaqankeeda diidday, walba ka qaado oo keliya, in aad ruuxii ruux kale gar-darro iyo kibir ku dila, aad u disho, oo aad intii horena isu cafisaan, kuna heshiisaan inad wixii hadda ka dambeeya isu dili doontaan, illeen qofku qofkii uu dilay kama qiimo badnee, haddaad u dili diiddana, micnaha aad u jeeddaahi waa inuu ka qiimo badanyahay, waana tan keentay in kii isla qiima badnaa uu midkuu qarniyaal xaqirayey abtiriskiisii sheegto, oo iyadoo laga yaabo inuusan isagu abtiriskiisaba aqoon, uu caddaaladda Alle darteed uu kuu yasayey ku yiraa abtiriskaaga i bar aan ku badbaadee: -


Somalaay damaarkaan jiriyo,   dhiiggan daadanaya,
ee na wada dagaagshee dadkii,   qaxa ku daaduumay,
ee dalkoo la ciiraya nimcada,   Dacasha aad eegto,
webiguna biyaha daadiyoo,  laayo dalaggeenna,
dulli waxay na saaraan rabaa,   inad dareentaane,
bal halkuu damaarkaan ka yimid,  hooda dulucdiisa.

Dabcan Diinta dawgeedu waa,  nolol dariiqeede,
in yarood duqaysood ku sii,  digato mooyaane,
iska daa middaa diidnay oo,  duubnay hadalkeede,
balse saad adduunka u degtood,  ugu damaashaaddo,
ood sida dinkaar woolkar aad,  ugu dinnaahyeyso,

inaad cafis ku deysaan wixii,  debin horoo mooday,
ood kii nin kaa dila dishaa,  door ahoo wacane,
duq waliba hadduu diidey dhaho,  dilis billowgiiya,
asii sebenki Nabi Daa'ud uu,  dooxu soo jirayey,
dabadeed ninkii laga dilaa,  Duul dhan weerarayo,
ee uu dilayn kii wax diley,  ee miskiin dilayo,
oo Sheekha daalaca cilmiga,  ama Ditoor caana,
iyo duqa u weyn reerka uu,  Door u qaadanayo,
sow dadow dullow maaha iyo,  Dabar go'iinniina ?

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk