Daarshe Dhegihii, 11-11-2007
Maansadan DHEGAHA DAARSHE oo soo baxday 11-11-2007, waxay ku saabsantahay sida soomaalida waayahan joogtaa aysan badankeedu qarribaad mooyee hagaaji u aqoon & in qof kasta isla toosanyahay, haddaad shar & dagaal qabiil & belo uga sheekaynayso, aad buu kuula soconayaa, oo warka kaaga gurayaa, haddaadse wanaag & nabadeyn & wax dantiisa ah uga sheekayso, wax miyira kuuma lahane wuu maahsanyahay, waana tan:-

Ruuxa dooni inu dooxo ee, dilo Arwaaxdiisa,
Ehelkiisna ugu diiqayoo, Daabka ula roori,
inu Deriska eed saaro waa, Daalimnimo weyne,
in yar mooye lana dayrsho oo, laga dareeraaye, 
Somaloon dareen kaca lahayn, Xumo ka diiraysa, 

Diintiyo Dubkaa noo dhexoo, igu daliigaaye, 
oo doc an ka aadaanan jirin, labada Daamoode, 
ee anoo Damiirku i gubtoo, sidan u diihaalsan, 
hoos iyo Dullada lama degeen, mana u diiqeene.

Allow maxaan digoon waxa dahsoon, Daaha uga qaaday,
oy Dhegaha daarsheen weliba, ila dagaaleenna, 
oon Madaxa duubtoon ka tegey, aniga oo daallan, 
o markey Darkeedii tageen, waxan ka dayraayey, 
Sacabbada u doogteen waxaan, kala dardaarmaayey! 

Waanadu inay daadegtiyo, Gabayadii daaye, 
Magacayba doorshaan Tixdii, anigu aan duubay, 
oo Berigi aan daajiyeen, Deelka marinaayey, 
ayey Deegtan iyo waxay yiraan, Dixida muu joogin, 

kase dayri maayooba waa, Debinna sii dheere, 
oo Doobba waxa soo socdiyo, Dugullo yeelkoode, 
kama sugo Dabaylaha dhacaa, inay dareemaane, 
oo Cirkay dammoodaan markii, Hoosta loo diro e, 
Damiirkay gubaa mooye ee, daarshe Dhegihiiye.

Doorkoodi kii dilay kuwaa, Daahirowda haya,
noo daaya Wiilkeenni iyo, ina Dijaal weeye,
ee u dilay Qabiil aawadii, Doorki noloshooda,
Qarannimo inay daadahshaan, Ruux ka deyi maaye,
aan u dego Dantii aan lahaa, waan degdegayaaye,

Balse Daa-im suu iigu qoro, gudaha Diiwaanka, 
wixii aan u daadegi jiraan, soo daldalayaahe, 
anoon Daacadnimo iyo sugeyn, dabacsanaan tiina,
ogna inaad Dagaag iyo rabtaan, Dawdarnimo taagan,
oo uu Qabiil deyrtay oo, daahay Araggiinna,
Qubxigaa waxaan diirinnine, Darajo saaraynin,
marna deyiba maysaan Dhexdiyo, Nuxur dureeraaye,
bal Su'aashan ila daawadoo, eega Darifteeda,

dabcan Ruuxa idin dilahayaa, idinku Door roone,
oo Ruuxa Danihiin wadaad, Duunka u nacdaane,
oo Waano inay daadegee, Dhego daloolkiinna,
Dabcigiin ka sugi maayo taa, ama Dareenkiinna,
ee Dhego daleeddaa sariyo, Laydha u daloola, 
Qalbi Doolar sarrifaa Indhihi, igu durraameeya! .

Digsi ruux la duulaaya ee, Suni ka daadayso, 
ee Ubadki Deeq ugu sidoo, ugu danaynaaya, 
markan daawadeen Weelki aan, Boysan ka dammooday, 
een iri ka daa yaad Ilmaha, Mayd ka daabbuline, 
ee yiri Dam kaa dhehe Indhuhu, hana ku duugmeene, 
Damiin baad na tahay Belo wadiyo, ruux Dareen jecele, 
waxa aad Sun daadaysa iyo, Duruja moodayso, 
waa Daawo Subag lagu daroo, Ubadka loo dooray. 

Ha yeeshee Dadweynow Adduun, waa is daba roore, 
markii ay ka duushuu Siddeed, Ubada soo duugay, 
een iri Damiin inan ahayn, Dube ma kuu sheegay, 
ee intuu Dilkii qiran lahaa, Durriyadduu laayey, 
buu Dood ka keenoo yiraa, Ubadkan duugaayey, 
doorkaad saraadyeysey baa, loogu daw galaye, 
Daawey ahayd waxad ka daa, igu dagaalaysay. 

Dantii aan lahaa waa tan iyo, Dulucda maansaade, 
dad Allow walaalkay dabcigu, saa u darayoobay,
asii inan diliyo inan jaraa, Diintu iga reebtay, 
Magaceed u doortoon sideen, Doogga ula qaybsan ? . 
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk