Daabiyo qabiil, 31-05-2015
Mansadan yar ee DAABIYA-QABIIL oo soo baxday 31-05-2015, uma baahna fasiraad oo waxa keliyahey Qabaliyada Soomaalida ka reebtay Faceed ee iyadana isku dirtay, dunidoo dhanna ku dirtay, waana tan:

Intaad qabiil u diirayso oo, dhiiggu kuu darari,
jirku kuu dubaaxaa hadduu, Maati dubanaayo,
ood Derida dhabanee sidii, Awrka doobbada leh,
Daa'imkeen QUL-SIIRUU ku daray,   Diin xaniifa ahe,
iyo dad an Dhul marin daymadiis, Duxo ma yeeleehe,
Soomalaay maxaa Diinta iyo, Dunida kuu diiday,
Daabiyo-qabiil iyo maxaa, Daawe kugu koobay,
oo Dulufya kaa dhigay adoo, Dahab dhex ceegaaga?

inu Degel ku saamayni iyo,  Deriska tuuggaayi,
ood Qurunka kaga dayan haddaad, diidin Xumihiisa,
ood Naarti kula daadegee, heshay daliisheede,
bal Daabiyo-qabiil iyo maxaa, Daawe kugu koobay,
oo Dulufya kaa dhigay adoo, Dahab dhex ceegaaga?

Dubey iyo ninkii aan Delhiyo, tegin Damaam toona,
ee Derintiyo degaankuu ku koray, weli ku dooyeysta,
Dhaayo maleh abwaannaa docdaas, daalacdoo qoraye,
cidda wacani waa taan dulmayn, ruuxan daadifine,
oon Diir iyo u kala deyeyn, Diimo iyo reere,
dulliguse waa kuwa dulmiya, ruux daqaaqama e,

oo weli ku diirsada Dhibkiyo, holac dukhaamaaye,
ku digtana daciifkiyo miskiin, tiisu daalidaye,
Soomalaay maxaa Diinta iyo, dunida kuu diiday,
Daabiyo qabiil iyo maxaa, Daawe kugu koobay,
oo Dulufya kaa dhigay adoo, Dahab dhex ceegaaga?

aabbahaad dulmiga ugu hiillidaa, maati dubanaaya,
hooyana docdeed baad yastaa, ood ku digataaye,
ayey aabbe dihataad nacdaa, una darraataaye,
qabaliyo daraaddeedi baad, kelli u dooxdaaye,
ood dhiigga ehelkeeda aad, daadin garaneeye, 
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk