DAA'UUD IN DOOXOOYIN 04-06-2004
Maansadan DAA'UUD.. waxay soo baxday 04-06-2004, Daa'uud waa nin dhallinyaro ah oo aan isku barannay safarkaygii Caafimaad ee Yaman caasimaddeeda Sanca, Daa'uud oo aan maalmo yar is naqaannay, kadibna dib isu arkin, si fiican buu ii soo dhaweeyey, iigana sheekeeyey taariikh dheer & halgankuu noloshiisa u soo galay, markaan cabbaar sheekaysannay ayaan weydyey haddii uu yaqaanno inuu ii tilmaamo Sh. Cusmaan oo ahaa wadaad Orommo ah oo Qur'aanka & Dhirta dadka ku daweeya (aad baanna maanta u jeclaan lahaa qofkii sheekhaas & weliba Daa'uud meel iigu tilmaama).

Markaa walaalkey Daa'uud wuxuu yiri sheekha waan aqaannaa, anigaana kuu geynaya, anna waxan ku iri, ku dhibi mayee ii tilmaan oo keliya, isna ku soo celiyey, anna ku celiyey inaanan jeclayn in aan dadka dhibo, balse wuxuu ku dhawaaqay hadalkii sababay inan maansadan tiriyo oo ahaa, jooji madax adayggii cidda, waana tan maansadii:

Daa'uud in Dooxooyin aad, dadab u soo goysey,
oo aad wax badan daashay ood, dibinna daabyootay,
oo aad is korisood Dagaal, Nolol ku daaweysay,
Diihaalka waan kuu qiriyo, Daal ku soo maraye,

Ha yeeshee waxay diiriyaan, Dood yar kaa orane,
inkastoo dadkuba gebi ahaan, Daahirnimo sheegto,
oon ani kuwaa Dooqa iyo, Degel wadaagayno,
oo aad dadaasheed Harkii, Sheekha ila doontay,
oo dhidid ku daateed haddana, ila dawaafaysey,
Dabcigayga baan door bidiyo, Duul inaan dhibine,
Madax adaygga daa layma oran, welina Daa'uude,

Lama degin Degaan reer dagoo, Doog lamaan cunine,
adigoon digeyn yaad warkaa, ii daliilidaye,
aniguna Abaal dili mayee, Daah un baan rogaye,
haddiisen dayoobeen Dariiq, Daan u yara weecday,
Bir un baan dareerinon ka tegin, qaabki loo dumaye,
wax kastoo naf daajee walaal, meel ma daa'imo e,
Ilaahey Jannadi kaa durduur, geystay dalabkiiye.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk