Cumar iyo Muno, 31-01-2018
NASTEEXO WAXAY TIRI:
 Hadal kama qori karo, haddaan is iraa qorna maalmo ayey qaadanaysaa, haddaan awoodi karo buuraha ayaan amri lahaa ubaxyo ha idiin goglaan, Hirka baddana uu idiin sacab tumo, xiddiguhuna ay idiin ifshaan, intaas iyo ka badan ayaan idinla jeclahay, alf alf mabrouk to my most beautiful, stunning, diamond, perfect cration in de world, amiish abdirahman ather iyo abshir dahir shire oo maanta meherkooda ka dhacay magalada california USA,
بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير
waxan allaah idinkga baryaa inaad noqotiin kuwii isku waara, awlaad saalixiin ahna kala hela.
amiin
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO guurkiinna guur khayr, gurigiinnana guri negi, 
---------------------------------------
ANNA WAXAN IRI:

Cumar iyo Munaba,  labadays calmaday,
isna caashaqay oo,  ku heshiiyey Calaf-,
Cumrigoodba inay,  caysh wadaag noqdaan,

Farxad iyo Ciyaar, calool samaan dhammaan,
ku caweeya oo,  hadda ood Ciyaal,
iyo tihiin Carruur,  ilaa iyo Cishadii,
Carruurtiinnu ay,  Carruur sii dhalaan,
idinkana Cirradu,  sida Caanihii,
Caddo noqoto iyo,  Cuuf Roob sidiis,
Cibaadada Rabbiyo,  Cimri dheeri iyo,
Caafimaad ku jira,

Ciiddiyo dhulkana, halkii aad Cawaba,
Cagta aad dhigtaan,  ha noqdaan Carfoon,     
weligeed Carraan,  Ciil iyo xumiyo,
Caro laga aqoon. 

Caaddilow Allow,  labadays calmaday,
Cuur iyo ka dhawr,  Camalkii ibliis, 
oo Cumarya sii,  Muno Cabdi adeer,
Carruur saalixoon,  Caasin waalidkood,
Caaddilkoodna aan,  Cibaadadiisa deyn.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk