CISMAAN & UGAASOW 03-10-2005

Cismaan iyo ugaasow laba caaddil beerow
Waan arkaa calaamado inad camal taqaanniin
beryo aad ku cayshtaan carruur aad ka biishaan
Welibana cibaadada cishaa-iga salaadaha
bugto Caano diid iyo cudurdaarro mooyee
ciyaar aad ku deyneyn.

Balse caysh la kaydshoo bangi lugu ciriiriyo
dabaq caadka gaaraya anigiyo colkiinnaba
casiis baa inoo haya.

Waxase an codsanayaa caaddil aan warsanayaa
anigiyo colkiinnaan inu caafimaad iyo 
cadowgeenna oo jaba nugu caawiyaa oo
cishadaan go'aynana Jannadiisa carafta leh
fardowsada ku caankaa casiis uu nageeyaa.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk