CISMAAN & UGAASOW 03-10-2005
Maansadan gaaban ee Cismaan & Ugaasow oo ay isku maalin soo baxeen maansada kalee Faham ina Ugaas Nuur, waana tan:

Cismaan iyo ugaasow,  laba Caaddil beertow,
waan arkaa Calaamado, inad Camal taqaanniin,
Beryo aad ku cayshtaan, Carruur aad ka biishaan,
welibana Cibaadada, Cishaa-iga Salaadaha,
bugto Caano diid iyo,  Cudurdaarro mooyee,
Ciyaar aad ku deyneyn.

Balse Caysh la kaydshoo, bangi lugu Cubaayiyo,
Dabaq Caadka gaaraya,  anigiyo Colkiinnaba,
Casiis baa inoo haya.

Waxaseen codsanayaa, Caaddil aan warsanayaa,
anigiyo Colkiinnaan,  inu Caafimaad iyo, 
Cadowgeenna oo jaba, nugu caawiyaa oo,
Cishadaan go'aynana,  Jannadiisa carafta leh,
Fardowsana ku caankaa, Casiis uu nageeyaa.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk