Caytamow namiimow - 02 Nov, 2008
Maansadan CAYTAMOW NAMIIMOW ee soo baxday 02-11-2008, waxay ka dhalatay markii aan ku arkay soomaali qabiil-qabiil isugu caayeysa website qaybtiisa Comment ama faallada lugu bixiyo, in badanna aan ku celceliyey in ay joojiyaan qabiillada ay caayayaan, oo xitaa aan u gaaray haddii aydnaan Alla ka cabsanayn idinku is caaya ee iska daaya dad isgu jira qayb aan idin la joogin, qayb qabuuro ku jirta iyo qayb aan weli dhalanba, markii ay iga diideen, oo xitaa Website kiina diiday inay bogga faallada xiraan, waxan ku qasbanaaday maansadan oo weliba shuruud wadata ah inaanay ku jirin ciddii markay maansadan arkaan joojisa, waana tan:

Isagaa callirshoo, magaciisa cunee,
inta Cay qubahan, kommentiga curin oo,
Caallir uu abuurayo, oo Caalle qabiil,
Cirweynaan wax ogayn,  Ciddii aan ka dhashiyo,
Soomaali caayayo,  anna inan curiyoon,
Habaar aan cariyaan,  Caynka aan ku maree,
Gabaygii Cabashaa,  Addoonkii ciriiriyoon,
kolka uu Casiiskiis,  Codsi toosa u dhiguu,
celin jirin Dalabkiye:

Caytamow namiimow,  Diradire colaadow,
Ceeb aabbaheedow,  dhiiggii Cashiiriyo
Carun biilanaayow,  walaal wada caweeyoo,
weel ku wada casheynaa,  cashi iyo abaar dhige,
cuqdad iyo u qaybiye,  cadaawaan dhammaaneyn,
Caro Eebbahay baa, Calooshaada jiiftee,

haddaad Ceebahaas iyo,  deyn weydo Cudurkaa:
Casiiskaan ku baryoo,  Calaacalo u doogtee,
Cillad aad ka naxdiyo,  Calaamaad xun ka qaad !

Halkii aad Cag dhigtaba,  kula guurtay Ciiddoo,
adigoo ciriiriyoo,  Ciirsilaadna dhex yaal,
oon Ciiddan hoosiyo,  Caadkaasi midna jirin,
Cido kuu gargaariyo,  Ciidan xoog leh ha helin !

Barafuun Carafliyo,  Cadya Caanaba waa,
oo Caysh la quutiyo,  Calafkaaga la goo,

Dhegahoo Codadkiyo,  laga cubay Dareemaha,
Araggoo Cammoolaa,  Caqligaagu jiis yahay,
Cudurrada halistoo,  Dhaqtarradu ka caageen,
Cawo dheelan kugu gale,  Caafimaad laguu waa !

dabadeed Cadaawoow,  Diradire colaadoow
Caaddilkey Jaxiimiyo,  Cadaabtiisi ku gee!!
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk