CASHIIRAYBA GARAN LA' ee Caadilow i kaalmee
adaa Caallirkay garane, 17-02-2018
Calaamo - Cajabey - Calanka - 

Caafimaad intaan haystay oon, Dunida cayshaayey,
iyo haatan oo Cudur jiroo, CillanyaCaadyaala,
Cilladaha doqonu leedahee, luguna ceebeeyo,
Candhuuftaa huruufkiyo indhaha, Cagaha hoos eega,
Cindigayga anigoo ka neceb, Caayda Aadanaha,

Anoon Boqor i ciilaynin oo, tiisa ka cashcaasha,
oy Karaamo camalkayga tahay, ceebna ka xishooda,
unbuu Boorka Caaradu yimaad, Siigo Cayayaane,
+
markaa baan Calaankood noqdaa, Caalamkoo idile,
ha ii jebin Cawaan iyo Bakhayl, Faanka u ciyaara
oo i caafi Eebbow adaan, kuu cabanayaaye,

Tartan lays cadaadshiyo markey, carara ay joogto,
ama lagu cubtamayoo kartida, laysku carinaayo,
ama ay Culuun kale tagtiyo, Maanso curinteeda,
sidan ugu Cizada leeyahoon, haysto Calankeeda,
+
unbuu Boorka Caaradu yimaad, Siigo Cayayaane, 
markaa baan calaankood noqdaa, Cidu ka liidayne,
iga caafi Eebbow adaan, kuu cabanayaaye,

Libaaxii caroodiyo sidii, Aarki Cagaweyne,
oo Cawsha daba taaganoo, Caasha qaban doona,
oo Ceegada uu la dhigo, goor dhow cuni doona, ---
uga cararay siigada kacdiyo, Ciiro kor u duusha,
Cusfuur qoyday sideedaan Gidaar, isu cayuubaaye,
+
oo dadkaan ka cararaa sidaan, Ceeb la dhuumaniye,
halka lay ciriirshiyo adaa, Caallirkay garane, 
iga caafi Eebbow adaan, kaa codsanayaaye,     

waa Calaamo ducfi Aadaniyo, Ceeb ad garaneeye,
Ceelalyada adduunyada intaan, hayo Cibaarteeda,
Calaannimo un igu gaara baan, keli la ciiraaye,

Colkii aan xulkoodii ahaa, Cudur intuu joogin, 
Caqligiyo i weydiiya wixi, Xaraf culuumeeda,
kumaan aragse Caadyaalka ee, qaabka Cillanaadka,
igu wada calyoodoon Allow, Caro ka qaadaaye,
iga caafi Eebbow adaan, kaa codsanayaaye, 

Cuqdad & umaan qabo Allow, Ciifo aan harine,
oo Cilmuu i baray waayahaan, soo ciriirsamaye,
Cidna kuma digteen Ciifaley, kii ku caalimahe,
ee Ceebaley adduunyey aqoon, Beriba cayn joogta, 

adigoo cafiyey oo kuwaa, Caadil saamaxaya,
iga CAAWI Eebbow waxaan, keenay catatawga, 
oo i caafi adigay lahoon, kuu cabanayaaye, 

Anigoo Carruuroo markii, Cudur i kaaraayo, ---
Cashiirada ka qarin jirey haddoy,  Cirro i saamaysay,
waygu ceeb Cabashiyo inaan, Cudur u sheegtaaye, 
iga caafi Eebbow adaa, Caafimaad haya e,

in lay ciilo daa oo facey, shaqow carraabaaye,
oo xaafadiyo meel cidlaa, laygu celiyaaye,
Ciyaalkaan iskuul dhigannay oon, Casharro qaadeynay,
ciddii aan ilaah doorannine, aniga Caynkeeya,
Cilmi inuu i dheeraado kii, hooyo soo curatay,
Colaad baan ka xigey & inaan, Caabuq dhaliyaaye,  
iga caafi Eebbow waxaan, Hoosta ii celiyey, 

Kibir laysla coofshiyo anoon, Ciifana u jeedin,
oon Caadil uunkiis ha dhibin, isu cadaadaayo,
intaan midan CIDDI i tari kareyn, oran lahay caawi,
goortuu xanuun igu caraba, ways cabburiyaaye,
Faruuryahana waan calalinoon, Ciil qarsanayaaye,
iga caafi Eebbow adaa, Caafimaad haya e,

Cabashada kamaan wado Allow, Caafimaad yariye,
oo Nolol Ciriiriya ma qabo, Cayshna muu dhimmana,
Cirkaasaan maraayaa Nimcada, Caawa ila taale,
oo Arzaaqda caamkaa anaa, Caalamkaw sita e,

waxasey calaanjinahayee, Ciilka dhalinaaya, 
waa Camal la'aantiyo inuu, duul i caawiyo e,
anigiyo Ciddii ila midee, doonan Calafkeeda, --- 
naga kori Caziizow Cid kale, Caawimada teeda,  

waxan aan Cid ila garani jirin, Ciidda waxa jooga, 
Cilmul Gayb ilaahii ogow, Roobka curan doona,
keligi loo cawdaad Eebbe tahay, loona ciirsado e,
Calaannimo adaan igu nacayn, iyo Cabaadkeeye,
adigaana kuu ciyani oo, Caallirkay garane,
+
Caawinaanna kaa doonayaa, kuugu cabanaaye,      
i xoree Caliimow adaa, haaya Calafkeeye,
oo i caafi Eebbow haddeer, Caadil baad tahaye,

Cismaandoon xusuustiisi &, Ciise inankiiba,
oon caasin Allahooda oo, ina cizeynaayey,
goobtii Cazaartiyo markuu, yimid culayskaani,
Taariikha caaney ahayd, Sheeko calawdheere,

Anigoon xirrayn Cududdahoon, Laabmin Cagahaygi,
oon Ciyaal ka dheereeyo &, midan Cishriin gaarin, 
misna anan Cuwaaf gooban karin, Cayshka badankiisa,
oo waxaan Ciyaar gelini Hoos, ii cadaadinayo,
waa wuxu cajabo ruuxi uu, haynin Cudurkaane,
+
Cashiirayba garan liyo midkii, Caalamkay xigaye,
Caziizow i kaalmee adaan, kuu cabanayaaye,

xaasidiinYA Caallaa ku badan, Ciidda dunidaane,
Caksi baanse Anigani ahoo, taa ka caagganiye,
Muslimkaan is cayrsanahayee, cuni Carruurtiisa, 
& Gaalkan caasiga ahee, nici Caziizkiisa,
inaan caawiyaan jecelahoon, layna caawimine,

Caynkaa haddaan waayo oo, Tabari ciil keeni, 
in lays caawiyaa ugu habboon, Ciilna ku haraaye,
oon BARYADA la isku caayin &, koox calaacashaye,   
inaan keligey caawiyaan Allow, kaa codsanayaaye,
iga caafi waxay ciilayoo, haysta Cududdayda,   ---

Caadaba umaan lihi BARYADA, laysku ceebsado e,  
Calaacasha intaan doogan laa, tuugsi caranceera,  ---
oon Caalle daba roori lahaa, Caysh ka sugi laana,
ama aan Miskiin ciirsan laa, tiisu celinayso,    ---
oo Carruurti korinaaya oo, awelba caalwaaya,
inaan xaaqo Ciiddaa ka roon, Camal ka yeeshaaye,
ha ii baahin Eebbow  Cid kale, kuu calaacalaye,
hanay ciilin duul aad xurmiyo, Cizzi i dhaafsiisay   ---
+
hanay ciilin duul aad xurmiyo, Cizzi i dheeraysay,
Currigiyo Bisaaskaa indhaha, geliya ceeryaane,  
Caadadey ma noqon inan Addoon, isu caweershaaye,
oon Dhabarka ciirshoon Indhaha, Hoos u celiyaaye,
anigoon cabayn oon Wax-qabad, ugu carooraynin, 
ayaan Caadi ugu sheegay &, Codey yaqaanniine,
in Culays i haystoonan arag, Qoomam ila cayna,

Naxariista Ceel laga cabee, Caadil ku abuuray,
Cashiirada Rixinkiyo cizada, mooye loo culaye,  ---
maan hayo mid Caynkaa gartoo, igu cashiiraaye,
iga caafi Eebbow waxaan, keeni catatawga,

Haba joogto Cidan iga naxayn, ama cadaawaahe,
Cuukiyo Siciid caaqil iyo, Khalar ciyoon kaalay,  ---
Cashiirayba garan loo sidaan, Caadi uga dhoofay,
oon Ciyaar la joogoon halkaan, Caano ku cabaayo,  
Canaantiyo Carayntooda &, Cood ka hadalkooda, 
igu dhaha haddii aadan hayn, Camal kaloo muuqda,
iska soo noqoo nala cawey, Dayrta curanaysa,

balse daa Cadaawaha jiriyo, Caalamkaa kale e,
& weli Cashiiriyo xigaal, ila cataabeeye,
anigaanba cilladaha gareyn, Caynku suu yahaye,
ilaahow adaan kuu ciyani, kuuna cabanaaye,
iga caafi waxay ciilay oo, keenay catatawga,
+
iina celi sidaan beri ahaa, Caadka lalinaayey, --
iina daa Caqligay kordhiyo, Ciilkan garanaayo,
& waxan Culuun soo bartiyo, Caga ka daalkaygi,

Casarkaan Dalkaan joogo een, Caynka tirinaayo, 
in ajnebi ka cayshee halkaan, ciidan ku shaqeeyo,
Qodobbaa Culays geliyey oo, diide Camalkoode,  ---
anigooSE Cariishkiya fadhiya, goobtan ku casheeyo,
Computer Cilmigiisa waan, coodan karayaaye,
+
Xaaraan ka carar uga cabsiyo, Qaadir Caradiisa, 
waa waxa i baday Caajiskiyo, Caawimo un dhawre, ---
iga caafi Eebbow waxaad, hayso Camalkooda,

Cashiiriyo Cadaaweba haddeer, Caalamkoo idilba,
Caaddifiyo kamaan rabo jileec, laysu key cubo e,
Caziizkii i uuntaan ka sugi, Cayshkow ii qoraye,
Su'aalaha Cashiiraday dhiboo, keenay Curiskaane,
+
Casharkaasi fahamsii Allow, Boorka cudurkiisa,  
& goob Canaanyo leh inaan, seexan karin Caawa,

Aadaneyba ceebtiis ahayn, inu cabaadaaye,
oo Calaamo tabaryari lehoo, Caanna ku ahaaye,
oo Ceeb kumay laha middaas, Caadil baa yiriye, 
Saqi Caabbidase wuu jiraa, Deeq ku caan baxaye,   ---

Bashiir oo u ciidmiya intii, Tabaru ciilayso, ---
Cabdullaahi ina Calaa ka mida, Duulkan caarifaye,
Carrabbaabid kuma aan idlayn, Dahabka ceeriine, ---
ilya Cawra Eebbowga megan, Duul cadaawa ahe,  
Cid Cayuun ku eegtana indhaha, Araggu caatawye,
+
oo xuubka ciiriyo caddada, Caada laga saarye, 
Cabdalliya Bashiir & intaan, cayimin sheeggooda,
Cirifyada Adduunkiyo intaan, hayo Culuuntooda,
Calankii dulqaadkey siTaan, Caanna ku yihiine,

Caafimaadka Allahaw kordhiyo, & Cibaadaadka,
Xaasaskooda caawiyoo ilmaha, Curad la koolkoolsha,
& Allow Cashiirada u dhawr, & Ciyaalkooda,  
cadawgoodna Cagta hoos dhig &, meel ciriiriyaba,

aanse reebo Ciiskaan dhib iyo, wedin cinaadkiiye, ---
ciddii aan ka waantoobin een, Caadil ka cabsoonin,
hantiday ku ciiliya Allow, dhaafi Caqligooda,

anigana i caawiyoo Allow, Cududda aan maalo,
oon Shaqow carraaboo kallaho, haro Catawgeygu,
Cashiiradana aan caawiyaa, Caadil baad tahaye,   ---

kaan cadaabu suganaynin oon, Caasin Eebbihina,
Murqihiyo Cududdoo ku taal, Cago ku rooraaya,
Calaacalaha doogoo kulyoon, Caawimaad sugona,
Aakhiraw carraabaa ka roon, Ceebta ka lugeeye,
+
Aakhiraw carraabaa ka roon, Ceebta ka huleele,
Labadooda Daar Caadil tii, Ceebu ku harayso,
II xoree Caliimow adaan, kuu cabanayaaye,

aan callaqo Catawgiyo Murtida, soo ciyoon xiro e,  ---
intaan curin kareyn Gabay amaan, tirin kareyn caynka,
oo Cudur dhibaayoo Allow, Fici u ciilaayo,
Wakiilkoodi baan Caadilow, Caawadaan ahaye,
wada caafi Eebbow adey, kuu cabanayaane.
=======================


--------------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk