Carruurta, 14-07-2015
Maanso waxan u curiyaa, ruux caafimaad loo,
qabiil cudurki uu hayn, iyo canaanyo shaydaan.

Carruurta aan daryeelnoon, cidla dayac ka eegnoon,
dareenkood ciseyniyo, shucuurtooda caankaa.

cishadaan duqownoon, daciifnoon carceernaan,
Caadilkeenna kase-kow, iyagaan cuskaynaa.

Carruurtu waa fiiddii, waa ciidankeenniyo,
Cududdeenna berritee, Cindigaa ku haayaay.

waa biyo celcelisoo, Curdan weeye jilicsano,
Caleen dhayla weeyee, Cashiiro xoog ka dhawraay,

waa Ubax casuusliyo, Caraf iyo udgoon iyo,
Cagaar iyo ugbaad iyo, Cadceed barwaaqo soo bixi,

colaadihiyo dagaalladu, Camalkey xumeeyaan,
Cuqdad aan hareyn iyo, Cadaawey ku beeraan.

Cinaadkana ka dhawroo, ha ciilina Carruurtoo,
ruuxii cirdeynaya,  Caallowka joog dhaha,

carruurku waa miskiinoo,  Caleen qare sideed iyo,
Canyaduu u liitaa, caawi oo u kaalmeey.

Ciddaan saa u garaney, eeg Camalka kuu yaal,
Biyo Calaw sidoodaad, Cagta aad ku laaddee,

haddii aan cinaadnuu, Ciriddiyo dhedada yaal,
waa Cudurro kaydoo, Berri soo carceersaa.

Caloosha gooru ka yimaad, Cawra aan daboolnoo,
Cunto siinno Cabitaan, Caafimaadka dawadiis,

dabadeed cashiiroy, caqliyeysigiisana,
Cilmigiyo Akhlaaqdiyo, u carbiya hoggaan weyn.

Cisigiyo karaamiyo, u carrifa dulqaadkiyo,
inu cafiyo doqonkiyo, Caallaha dhiblowgaa,

haddii aan collaysanno, Cuqdad weeye raagtiyo,
Calaamaan harayn iyo, Cillad weeye joogtaa !

carruur loo raxmadoo,  Cuqdi laga ilaaliyo,
berri cududdeenniyo, waa Caalimkeennii,

haddii lagu ciyaaroo, Dariiqyada la cayrsado,
Berri Caasigeenniyo,  waa Cadawga keennaa.


calaa kulli xaal gebogebo(murtidu)

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk