Carfuuda, 17-12-2018
 ZAHRA CRAXMAAN REER WARSHUBO
Carfuudiyo dhul caad iyo intii, ciganki xaasweyne,
nimcadii bal ceegaagtey ee, dhaaydi caanaha leh,
iyo dahabka ceeriinka iyo, milixa ceegaagaq,
bulshadeenna caankee halkaa, coodka lagu siiyey,
Allow yaa Zahraay cududda weyn, Caaqil ugu biirsha!
-------------------------

amaalgudka Cirkaa gaarayee, Caadka ka hadlaaya,
dhulka oo cosoba layrtu ay, Fiidda la ciyaari,
Cawo iyo ayaan loo bogoo, lugu cawaynaayo,
iyo Ciso waxaa iigu filan, Caano la i siiyo,
dhulkaygii inaad caashaqdood, caadna u hilowday,
iyo inaad Ciddaydii tihiyo, curad walaasheeya.
----------------
Diyaar baan Dalxiis iyo u ahay, wada damaashaade,
Dal dhaw baan joogin iyo halkii, Daaqu ka dhawaaye,
balse Daa'im goortuu gartee, yeelo Damacayga,
wallee inan dawaafayno oon, iman Degaankayga.
--------------------------

kkkkkk
Abwaan ma ihi miskiin baan ihiyo, ina adeerkaaye,
iga daa ammaantaas walaal, waan ku aamminaye, Eebbe mahaddiiye,

aamaguul haddaad aragto iyo, magaca aadaaleh,
inan jecelahay hooyadey ku garo, Aaminaay axmada.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk