Gry - caay tahoo la isku ceebeeyo, 26-09-2018

Ma filayo inay cay tahoo, la isku ceebeeyo,

hadduu Caadilkey Cudud dad iyo, Caysh ku wada siiyo,
oo Caafimaadna kuugu daro, Calanna kuu saaro,
Cirka inad xayaaddood cuntada, labo canlaynayso,
ood cidaan intaa haysan aad, Ceeb u aragtaahi,
Cilmiyada ilaahay halkey, kaga cabbaarmayso,
waa ciqaab xanuun badane taa, qaado cabbirkeeda?

Jawaab celin adaan kaa rabaa, Caawa gudaheede,
Caqligiyo u noqo maanka oo, Caymi taladaada,
oo cishaba adduunyadu mid bay, cagaha saartaaye,
midkay caadka geysaa intay, caysh u marisaaye,
bay cishana haraatida dambiyo, Cirib ku tuurtaaye,
bal Caqliga u noqo oo mar kale, Caynka ka hikaadi,


Ciriiriya hadduu eebbahey, Ceel fog igu tuuro,
amuu neefta igu celiyo ee, Ceejo ila taago,
Caadil bayleh oon Mahadda  badan, uga celaayaaye,
kalsoonina inuu ii cad-celin, oo ciqaabahana,
inay malab caddaadiyo yihiin, caano igu siini,

Ciqaabtii kastee Caadilkey, igu cadaadaayo,

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk