Camaara_11_Aug_2007
Maansadan Camaara oo soo baxday 11-08-2007, kuna saabsan magaalada caanka ah Camaara,
taas oo ku beegnayd markii aniga iigu horreysey ee aan tago magaaladaas.

Maansadan oo ereyo ahaan aad u yar, micno ahaanse aad u dheer waxa igu dhaliyey soo dhaweyntii iyo wanaaggii aan kala kulmay magaalada Camaara iyo intii markaa ku noolayd, iyo weliba xusuustii iyo taariikhdii aan aniga oo aan iman Camaara halkii aan ku noolaa iigu imaan jirey.

Haddaba tolkey soomaali qabaliyo iyo qurunkeed kama lug bixiyee, aniga oo qiyaasaya in ay jiri doonaan dad magacyadan lugu waashaye aad loo tixo is leh waad is xigtiin, ay oran doonaan muxuu magaaladan reer Qurac u ammaanayaa, muu magaalooyinkeenna aammaano, waxba aniga igama gelin kuwaas oo waa kuwa nala haraye, maansadii waa tan:-

Camaaraay salaan hoo, salaan Caafimaad hoo,
Caraf iyo udgoon hoo, marka xiga Camaaraay,
Cishadaani sabtigaa, Bil siddeeda curatoo,
Caddadkeeda yoomkuna, kowya toban cagaynayo,
Sano labo kun Ceeb li'i, Toddobawgu caalee,
yaan ku soo calmadayoon, Cagta aan ku soo dhigay,

Balse beled Camaaraay, markaan ceelka kaagiyo,
Cimrigaagi aan dayo, anigaa Ciyaaloo,
Caano nuugga kuu ahe, Caan baad ahaydoo,
dhulal maanta Ciidliyo, dhismo Caadka eegaya,
Cariish iyo kulay tahay, Dhagax iyo Cammuudba leh,
hortood baad caddaydoo, Curadkood ahaydoo,
iyagoo Caleen iyo, Cigan hawd ka buuxoo,
harraad lugu cagaagiyo, ciilayso Gaajaad,
Cayshkooda noloshaa, Ceel-ka-dheere u ahayd,
 
Welibana Camaaraay, inta laga carraabee,
Magaalooyin Caawa ah, Ceelbuur un mooyiyo,
Carardheere kula coda, intan ku cilmi leeyahay,
adigaa u caan aho, Calankaagu dheeraa.

Sideedana Camaaraay, runta lama callaalee,
ruuxaan codkiisiyo, Cudud kuu huraynina,
waa Canug xumaadoo, kugu caasinaayee,
cafi oo dul qaadoo, ha caroonin Hooyoy.

Culummada timaadiyo, Caammada musaafura,
ciddii aan xumaan wadin, Martidaada cisee,
Culuq iyo dhibaatiyo, Ceebaalka ka dhawr. 

Caaqilkiyo wax garadkiyo, Culummadan u sheegiye,
haddii aad cashiirada, Cabasiyo Wattiin iyo,
sunnadii Carfoonaha, Cashar aad ku siisaan,
cadligiyo wanaaggana, Cirka aad ku laashaan,

idinkoo hal Calan laho, Cudud mida ku hawl geli,
Camalkii xumaadiyo, ninka curinayee wada,
Cidda aad ka saartaan, Ciidda aad ku aastaan,
ilaa Cimil Qiyaamuu, Cadawgiinnu hoogiye,
Fiid iyo Caweeriyo, Casarkii yimaadaba,
yuu Caajis imanoo, ku cel-celiya Waanada.

Aniguna casiiskaan, calaacalo u doogtee,
hooyadeen Camaaraay, adigiyo Carruurtiyo,
Cirroolaha ku joogiyo, Waalid lama cadaabaan,
iyo Coodka Xoolaha, Caddaan iyo Madowba leh,
caafimaad ku waaroo, ku caweeya Nabad iyo,
Ubax iyo Casuus iyo, Caaniyo damaashaad.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk