Caleen jaad - 8 Nov, 2005
Caleen jaad waxay soo baxday 08-011-2005, waxaanna ka sameeyey, nin saaxiibkay ahaa oo iiga sheekaynayey dhibaatada jaadku leeyahay, siiba tuu isaga u geystay, oo uu igu yiri ilaa 4 jeer baan lacag u aruursaday inaan ku guursado, balse jaad aan cunay dartiis oo shaarka la iiga siibanayey baan lacagtii ku bixiyey, arooskii dhici lahaana sidaa isaga daayey. haddaba waa tan maansadii:- 

Caliyow Caddaan iyo Madow, Ciidda waxa jooga, 
ninba Calafki buu qaadayaa, kuna cashaynaaye, 
balse Jaadka kuwa calaliyee, Laba canleynaaya, 
Cadawgood u jabe oo la ciir, Gaari cararaaye, 

Cambar iyo hadduu Cuud yihiyo,  Dahabka ceeriinka,
amuu Dhaxal Ciyaar ugu helee,  Coodka lagu siiyey, 
Ruux Cagaarka daaqaan marnaba, Caysh an dhiganayne, 
Cimrigiisna wuu gaasiroo, dhawr Cishriin lumiye, 
Cindigaaga geli Maanta waan, kuu cashirayaaye,

Caliimkeen wuxuu yiri anoo,  Camal tijaabaaya,
oo Ciduba waxay keensato un, Caasha loo gelini,
Caynba caynka kale baan Fitnada, ugu cillaalaaye, 
oo labada Caysh wada lahaan, Cadow ka yeelaahe, 
Insigiyo Cifriidkow dulqaad, maad ku cabi caano ? 
waa Erey Caziizkeen ku yiri, Cayn Tabaaragahe, 
Caliyow dulqaad yeelo oo, Caasi hawadaada. 

Sababtuu Nin Qaad cuna u rabo, Labo canlayntiisa,
oo Cawska loo daaqayoo, loogu cararaayo,
waa inuu ka dhigo Caalle iyo, Sawir Calool weyn leh, 
oo Nabarka caallirahayiyo, Carunka daadaaya, 
ama Canug xanuunsanahayoo, Cudur ku soo boodey, 
oo Xaasku cabanayso oo, Cawimo haybsaydo, 
iyo Caawa Roob baa da'aa, baa isugu Cayna! 

Naag xun buu ayaan Caalim yiri, Caasho daa xumaha, 
waa kaa Jidhkaagii Cadhiyo, Caato baaba'aye, 
welibana Cadaabkii Alliyo, Ceebi kuu maqane, 
cibaadayso Naayaa haddaad, Caymo leedahaye, 

ha yeeshee intuu Caalimkii, Caasho waaninayey,
bay Codkii ka goysoy ku tiri, Sheekhi Cidahooda,
iga raalli noqo Caalimow, waan ku cisayaaye, 
Rag bay sugi canaantamahayoo, aan ku cararaaye,
ciyoon ii dhammee Waanadiyo, Caynka ereygaaga, 

Anigoo middaa caarifoo, kana Cibaar qaadan, 
si kastoon Culuun kuu shuboon, Waano kugu coodo, 
Cilmi waxad ka qaadee Dubaab, Camallo Shaydaane, 
Codkaygood maqlaysuu Cagaar, kugu caraadaaye, 

balse Madax Cirradu muuqatiyo, Eebo Caga beela, 
cidna kama samraysaa la yiri,  Coodka lagu eegye, 
Caynkiisa goo Maanta waan,  kaa codsanayaaye. 

Cagta Hoosta kii kaa gelshee, kugu cadaadaaya,
haddad Cadaw ka dhigan lahayd Calow, goyn lahayd Cunaha, 
waa Cadawga koowaad Caleen, Jaadkan aad cuniye,
la jihaad Cadaawaha haddaad, Caymo leedahaye. 
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk