Cajiibsanaa Adduunyadu, 20-10-2018
Cajiibsanaa Adduunyadu, oo Culuuma badanaa,
Canug baadiyoodaa, Cadaygaa u haystee,
ku ciyaarahayaa, Bilyinneerka Cayshada,
Cayn walba ka haystoo, Caasimadaha ku nool,
Ciriiri uu ku haayaa, kana caagganyahoo,
Caday li'i awgeed, ilkihii cagaarteen,
Cirridkiina qodmoo, Cudurraduu sababsaday,
Cooshadaha Dhakhtarrada, Cisho noolba taaganyahay.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk