Reer Maano Coobbiro - 08 July, 2007
Maansadan Cajaboo la yaabaye Reer Maana-coobbiro oo soo baxday 08-07-2007, waxay timid markii aan arkay in ay soomaalida ku badanyihiin dad hor taagan wax Alla wixii horumar ah oo markii la is yiraa nolol sameeyaba, keena carqalad hor leh oo la isaga daayo, oo siday caammada uga qanci ogyihiin inan wax horumara la samayn aad mooddo inay Jaamacado uga soo baxeen, waana tan maansadii:-
 
Caawa waa Julaay oo,  Cishadii sideedaad,
Sano labo kun ceeb li',  toddobawgu ciidee,

Waa Calaamo yaab lehe, in yaroo Cisa lahoo,
Tira yaridu ciishoo, Caadil garani mooyee,
Soomaali Cali Jufo, haddaan Talo caddeeyoon,
Ehelkey u caaloon,  Reer Maana-coobbiro,
ku iraa Cashiiroy, Cayshkiinna raadsada,
Cilmi horumarkiis iyo,  Caafimaad u hawl gala,
saddexleydan caankaa,  haddaad cayrsataan ood,
Dhulka cimilladiisiyo,  Cirka aad ka doontaan,
Adduunyada colkiinniyo,  Cadowgiinnu wuu jebi,
Aakhirana ceeb iyo,  Cadaab ways gefteenoo,
Jannna Caaddil leeyahad,  ku caweysimeysaan,

Bal waa yaab la caynshaye,  Cod kastoon iraahdoo,
Caawimo u noqonaa,  Cirrooluhu ha joogee,
halkii Cunug saqiir iyo,  Caammada la joogtaa,
Mahad ay ka celin lahayd,  waxaa caadadoodoo,
Reer Maana-coobbiro,  Caano loogu soo habay,
Cod kastoo dhawaaq ahe,  Ruux kale curaayaba,
ka hor gee Carqalad iyo,  Cillad hawsha baabi'in,

Cajaboo la yaabaye,  reer Maana-coobbiro,
Casharkeyga 1aad,  haddaan dhaho Cashiiroy,
Roobku waa kan curan oo, Cirka nooga muuqdee,
Beerihii Caleentiyo,  Cayshkiinni raadsada,

mid baa soo cartamayo, Caadda soo gelaayoo,
wuxu oran Cirjiifkiyo,  haddaan Falagga caynsane,
saadaasha Ceeljoog,  dayo Cimilladiisaa,
ayax Caadka buuxshiyo,  Cayayaan waxaa iman,
Beeraha cunaayoo,  Habeen qura caddayniye,
Sanadkaan callaaloo,  Caleen qura ha beerina!

Cajaboo la yaabaye,  Casharkayga xigaa kaa,
reer Maana-coobbiro,  haddaan Caafimaad iyo,
Cudur dilaha gooboo,  Dawo cayrso ku iraa,
wuxu oran Camaaruu,  Cudur reer galbeedkiyo,
Dhakhtarradu ka caageen,  Caawa soo gelaayaa,
ee intii Cir roob iyo,  laga gaari Ciidaha,
naga jooja Camalkaas.
 
Cajaboo la yaabaye,  Casharkayga xigaa kaa,
haddii aan Culuun iyo,  Diintaada calmo oo,
Cilmi doono aan dhaho,  wuxuu oran Culuun iyo,
maxan Diin ciseynaa,  sow ma jiro Cafaariid,
Caammada siraysoo,  Cayma beela gebigood,
Culummaaba waayahan,  Khilaaf calan walleeyoo,
Ciddiyaha ku dirirtee,  naga daaya Cilmigaa,
ilaa ay Cod keliyiyo,  ku midoobi Cayn qura.

War hoy Ceebalowyaal,  reer Maana-coobbiro,
haddii aad Cashiirada,  Gacan caawimaad iyo,
Calaf aad u wayseen,  ood Talo cuddoon iyo,
Camal sami ku biirayn,  ma afkiinnan ceeblow,
yaad Aabbur celiyoo,  culaysiya u wayseen ?

Caynkeeda maansada,  aan cagta u dhigo e,
mar kastood cashiiroy,  ruux caadadaaliyo,
caynkaasi aragtaan,  Codkaygaa xusuustoo,
waxad tiraan Cinaadkiyo,  Ceeb weeye saatane,
Candhuuftaada cesho oo,  Carrabkaaga aammusi,
haddii kale Cadaab baad,  ku dambayn calaanyohow !

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk