Caasha-luul, 22 Jan, 2010
Maansadan Caasho-luul ee soo baxday 22-01-2010 waxan ugu magac daray abwaanadda soomaaliyed ee caasho-luul Maxamed yusuf oo aan shabakadda Internetka ku arkay gabaygan la magac baxay GOCASHO oo ay ragga mas'uuliyaddoodii dayacay ku cambaareysay, inkastoona ay run cad ka hadashay, haddana eed aanuu raggu wada lahayn ayey dusha u wada saartay, waana taas middaan Gabaygan uga gadoodayo, aniga oo haddaan in yar oo faallo ah ka bixiyo ku iri caashoy in kastoo aad tahay hooyo qiimo badan, cabashadaaduna gar tahay oo niman badani reerahoodii dayaceen, haddana inaad ragga dhan wada eedayso sax ma ahan oo haddaad ina rag oo dhan aadnaan kala reebine geedka garta wada geysaan, gartu way idinla rogmanaysaa ee maad Caashoy sidaa ka deysaan.

bal si aad arrinkan fariinka u qabataan oo uusan meel xun idinla tegin, waxan idin xusuusinayaa in yar oo ka mida gefafka aad ina rag ka gashaane, sow ma ogid in wadaad ku sheeg walimmadiisa keliya uun eeganayaahi waalidkiin ku yiri gabdhihiinna sida xoolihii u beecsada oo geel badan kala baxa, taasina ay keentay in ninkii fiicnaa uu dhaqaale waayee mid daroogiiste ah ama mooryaan ah oo lacag badan haysta meel cidla ah idinka helo?

tan kale inuu Alle weyne idin qiimeeyey ee aad idinku is qiimo disheen, waayo hadduu Ninku naag rabo iyaduna nin way rabtaa, hadduu awlaad rabana iyaduna awlaad way rabtaa, iyadoo aannu waxa aad doonaysiin keliya doonayo, ayaa haddana annaga waxaa nalagu xukumay inaan idinkoo gogoshiinna iska jiifa aannu idin soo doonanno oo bixinno Meher, kadibna aad guryaha iska joogtaan annaguna suuqa u foof tagno oo masruuf iyo marashi idinka iyo ubadkiinnaba nalagu xukumay, xitaa wax kale iska daaye intaan idiin soo shukaansi tegaynay ayey rag badani habeen madow godad ku dhaceen oo ku jajabeen amaba ku dhinteen, halka qaar badanna masas iyo waraabayaal ku cuneen oo ay naftoodii ku waayeen.

Hasa yeeshee qaarkii nabad idinku soo gaarayna markuu si sharaf leh idiin la hadlay qaar badan ku ihaaneyseen oo aad ku gacan sayrteen, oo aad ninkan aad ku eedaynayso inuu gurigii dayacay oo daroogiiste ah shabeel naagoodna ah ka raacday, ee maxaad ragga oo dhan ku eedaynaysaa?

haddiise markuu ku baryayeye ku lahaa waan ku jeclahoo kuu dhimanayaa aad oran lahayd ma rabo nin daroogo ama Jaad cuna, miyaad maanta caban lahayd, sowse dadkad dhamu qaadkan na dullaystay iskama daayeen oo Zino iyo ilmo aabbe la'aan ahna meeshaas laguma waayeen?

tan kale caashoy waalidiinka qaar baa wanaagsan oo aan gabdhahooda iibsane, markuu ku yiri ii keenso ninkii ku anfaca, sow idinku sidii neef Ari ah oo aad suuq ka gadanaysaan, oo aad hadba meel ka taabanayso inuu baruur leeyahay iyo inuu caato yahay sow raggi kama aadnaan dhigin oo cillado badan oo aad iskiin u samaysateen uma aadnaan yeelin, sida idinkoo yiri, kanu Hanti badan ma leh, kanu wuu madowyahay, kanu waa Midgaan, kanu waa Oday, kanu waa gaabanyahay,  kanu waa Weershe, kanu hagfo ama dalbuu leeyahay, kanu Gar weyn oo i xaganayuu leeyahay, kanu waa wadaad oo Kalaabyada tumashada iima oggola, kanna waan iska dhex arkay oo Jinkaygaaba naca. 

markaa sidii weer 100 Ido ah meel cidlo ah ka helay siduu u goobyaali jiree dhulka ula dhici jirey ugu gelaysaan, oo kii wanaagsane idinla hadla intaad indhaha ka huruuftaan candhuuf ku tufaysaan, kadibna aad mid dhabanna xiir ah ka raacaysaan ama aad mid gidaar qaad iyo khamri la fadhiya qoorta u gashaan, maxaad ragga oo dhan u eedaysaa?

Ugu dambayn waxan Gabayga ku soo gunaanadayaa, anoo ku leh caashoy hadduu Gabaygan dhexdiisa gef iiga dhacay waan idinka raalli gelinayaa, ee idinkuna ha na dulminnina waayo anigan kula hadlayaba laftaydu haddii aan dhibka aad i soo marsiiseen ka sheekeeyo culayskaa sii badanaya, calaa kulli xaal waa tan Maansadii CaashaLuul oo soo baxday 22-01-2010:

Caasha luul garaadey walaal, Gobonimoy heedhe,
inkastood  walaashey gobaad, Hooyo tahay gaana,
oo tahay gartaayoo kul iyo, Dhiba ku gaareenna,
kolkaad Samir garwaaxeedsataad, guusha u dhaweyde,
haddaad geedka geysee dacwada, guurti loo bixiyo,
ood ina rag wada gaartidood, kala gunnayn weyso,
inay kula gembiyi waad hubtaa, eedo gaamuraye,
gabdhayohow armaad gaabsataan, maanta waa geline?

Bal intaad ka garataan waxaa, godob idiin yaalla,
si aydnaan u sii gelin god iyo, meelan laga gaarin,
in yar baan gundhiyi oon xusuus, idin garwaaqsiine,
iga gura gandoobaha jiriyo, gooha waxa  keenay !

Adoo gabara gashaantina ahoo, jooga gurigiinni,
hadduu aw gabraaranahayaa, diinti ku gabooday,
waalidkaa ka ganacsada ku yiri, beecsha gabadhiinna,
hooyadaana guubaabisoy, aabbe gelinsiisey,
inay giniga kugu iibsadaan, geelna lagu siisto,
gabankaan daroogiyo aqoon, gaadmadiyo beenta,
ee xilkiisa gudan lahaa haddaad, gobanimaw raacdo,
golihiini loo diidyeyoo, wuu ka gaabsadaye,
sow gar maaha guumays inaad, gogol u doonyeyso ?

Bal caashoy inuu guullahey, guudka idin saaray,
oo haweenka gaar loo boqroo, taajna lagu giijey,
ood geenyadiinnii dishood, gawrac ugu jiidday,
adigoo gurbood dooni iyo, guurka taladiisa,
anna aan geddaa uun ahoon, kula gudboonaana,
ubadkiyo xuquuq gooniyaa, gaar luguu qoraye,
masruufkiyo gasiinkana anaa, guudka lay dhigaye,
weli gunno inaan kugu baxshoon, tuugmo kugu goobo,
oon meher la soo guulabaa, gaadda ley suraye!

Caashoy waxaad gaasirtaan, tiro ku gaarayne,
rag intuu idiin goohayoo, idinna goobaayey,
adoo gama'sanoo gurigi iyo, jiifa gogoshaadi,
guuraha habeenkii intuu, godad ku haantaaqay,
goodaaddo qaar bay cuntiyo, goodka halaqaaye,
kuwiise intaa soo gudbee, geeri ka badbaaday,
haddaad gacanta sayrtood dabeed, Guufe u orgootay,
adigays geboo geeri go'an, geeddigaw raraye,
maxaad nugu gashood caasho luul, nugu garaafaysay ?

Ninkan inu ubadki gaasiriyo, gurigi sheegayso,
isagoo garaabada cunoo, Naago ku gandooda,
oo ay guduuteen ilkuhu, ama gamuurmeenba,
gacaliso markuu kugu lahaa, caashaq bay gubaya,
oo uu baryada golalayee, Hoos isugu gaabshey,
haddii aad shuruud goosatood, gees u bixi weyso,
ood tiraa garaabiyo marabo, geedo niman daaqa,
miyaad maanta geylami lahayd, taloba waa goore?

Bal inaadan gebin taadi eed, Uunki wada goysey,
markuu cayga qubayee gondaha, Foorar kugu gaaray,
haddii aad giriiftood tiraa, wayga gana weyne,
nama soo galeen qaadkan iyo, Caasi Ganac weyne,
oo guul ayaan gaari lahayn, gees walboy tahaye,
bal maad berigi naga gaartidood, qaadka naga goysid?

Waaliddiinta qaar baa goboon, iibsan gabadhoode,
oo guntiga u sii dhuujiyoo, guurso ku yiraahe,
maalintaad genmayseed himmada, caga gubyoonaysey,
oo aad geyaankaa rabtood, guur u ololeysey,
sida geelya ari suuqa herer, aad ka gadanayso,
ood saracda guu-guujisod, Gosha ka jiidjiidday,
yaad nimanka gaargaarisood, goobo gelisaane,
garu waa islaam tii gashoo, waadna garaneehe,
bal inaad garowdaan walaal, hooda Gefafkiinna !
 
01 - waxad tiraa midkani gaari iyo, Guri ma uu haysto, 
02 - kan ma guursannoo hooyey tiri, waa gun ehelkiisu,
03 - kani waa gu' weynyahoo ma rabo, Oday ma guursaayo,
04 - kan waa gaabanyahoo gaari mayo, goolka damacayga,
05-  kani isha ayuu gururiyaa, geesta u qalloocda,
06 - kan hagfuu ku leeyahay gondaha, oo ku geli maayo,
07 - kani waa gubtoo waa madow, gibilka kiisaahi,
08 - kani waa wadaad aan garayn, gaadda ka ciyaarka,
09 - kan garkiisa weyn baan nacaa, Guud i xaganaaya,
10 - Kanna waan giriifoo jinkaa, diidey gebigiiba. 

Sida weere ari goosmay helay, Dibir ku goobyaalshey,
sidad uun u kala guri raggood, ugu gaboodayso,
tobankaa markaad gudubto iyo, Toban garaaddaaba,
ayumbaad garaabiyo sigaar, goobti mudataaye,
oo aad gidaar ugu timaad, geerash iyo qaade,
maxaad nugu gashood caasho luul, nugu garaafaysay?

Nin hadduu geyaankiis rabiyo, guurka sharaftiisa,
ee tuu is yiri gaari iyo, waa gob dhaqameeddi,
markii uu u gacan haatiyee, Guurki ugu baaqay,
il bu'deed giriifto huruuf, goonyaha ka eegtay,
oo candhuuf u goob-goobatee, tuurmo ugu geysey,
kana raacday goombare xumoo, labada gees diiran,
maxaad nugu gashood caasha luul, nugu garaafaysay?

Haddii uu ku gebey oo caqligu, dawgi garan waayey,
garawshiyo ma laha boqonta aad, goyso adiguune,
adunbaa gafane hoos galoo, seexday gogoshiiye,
kol haddaad adigu geyfantood, ganafka taagayso,
kolna ay ku gadan aabbe iyo, hooyadaa gacalo,
maxaad noo gubee ood dambaan, galabsan noo saari ,
ood noo galaafani dhammaan, guud ahaan nimanka ?

In kastoonse yara giirtayoon, idin guhaadeeyey,
god quraan ku wada hoobannaa, caasho gebigeene,
oo gaylankiyo waan kula qabnaa, goosankiyo daale,

sidii cadow xisaabta u galoo, goosha wada ruuga,
mahmaah naga gu' weyn baa tiroo, gelinkan maahayne,
sidaa baan u soo yara gudoon, qaaday gulufkaane,
ma an rabin inaan idin genoon, idin guhaadshaaye,
gondahaan ku haystaa haddoon, tawbad gelayaaye,
idinkuna dhibaatada gunteed, taa ha garan weyna!

Haatanna heshiis baan galnoo, waan guddoomiyaye,
aniguba guhaad waan qabaa, geedka anan geyne,
haddii aan gocdana mawjad baa, soo gufaacaniye,
waxanse dacwo uga gaabsadoon, ugaga gooftiinna,
carrab gawski dhiigshaan nahoo, goostay oo cunaye,
iska gaabsadoo caasha luul, jooja gabaygiinna. !
----------------------
NB:Maansada caasho: Ka akhri Halkan

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk