Caado Jaahil (Inta naago yeeleen) - 04 Nov, 2007
Maansadan CAADO JAAHILI oo soo baxday 04-011-2007, waxay u jawaabaysey ereyo meel looga dhacayey dumarkeenna sharafta leh ee Waalid & Walaalba noo ah, ereyadaas oo aanan wada qori karin xumaantooda dartood, waxaan ka soo qaatay intan:

Inta naago yeeleen anigu un ma yeeleen, rimmanow irmaanow, reerkana u roorroor,
nafteydana u roonow,haddaan taasi yeelana anigu un ma yeereen
inta dhasho irmaanow hal mayeeleen Intadhashoirmaanowhalagu mayeeleen

JAWAABTIINA WAA TAN:

Inkastoo nin caallaahi uu, ceebta ka xishoonin,
oo hadal calaaluga yaqaan, canug hadaaqiiya,
ciddii uuna caayaa kolley, camar ka soo qaadi,
oo inaan jawaab celiyo ay, camanka daaleyso,
ninka saa u ciyey baan rabaa, inan canaantaaye,
hooyadey carfoon baan rabaa, inan u caalaaye,
kuwii ii calaamadiyayoo, mariyey caynkeeda,
iima curin jawaab laga celshiyo, cido ka diireene.

1- ninka kii curraaftiyo timaha, cuufka uga saaray,
yiri waa midgaan ceeb lahoo, lugu canaanyoodo,

2- oo kii cagaag uga tolee, kabo ku caymaayey,
yiri waa midgaan cood la'oo, sharaf ka cayrtoobey,

3- oo kii cimaamiyo surweel, cawrada u saaray,
ugu yeeray yaxar caariyoo, badi la soo ciirtay,

4- cambarkiyo kalluun kii cuntada, uga casheysiiyey,
yiri waa cambaar jaaji iyo, camar abooryaaya,

5- Haanta ceelka loo dhaaniyiyo, cayn walboo agaba,
kan u soo cajiimee tumee, curad walaalkiiya,
yiri waa tumaal caydan oo, cidi ma guurseydo,

somaalidan kuwii caawiyee, caadda sare geeyey,
camal sharaf leh oy noo hayeen, ceebta ugu yeelay,
iyaguba cuquubey qabeen, caado jaahiliye.

---------------------

balse kii cadrada caayey iyo, gabar cuddooneydba,
oo hooyadii caasiyoo, Caay u soo mariyey,
ciiska waranka mooyiyo rasaas, caara-dhuubya ahe,
iyaduusan jirin Ceeb hortiis, Ciid nin loo geliyey,
yuu caawa calafkii go'oo, lugu ciriiryaahe,
muu bal sii carraaboo haddeer, naga ciyoon guuro!

Cid hortiis anoon gabay u curin, cay iyo habaara,
cimrigii go' noociisu waa, kuwa na cayrteeyey,
oo cawo gashow aawadood, jiibku ciyayaaye,

balse caawa caysh umaba yaal, caadaqaatahane,
hadduu nugu cawaystana Allaa, nugu caroonaahe,
muu bal sii carraaboo haddeer, naga ciyoon guuro!

Maansada haddaan sii cugoon, cimilladey eego,
inan caadka aadaan ka baqi, camal daraaddiiye,
Qabrigaa u roon caawa inu, ciidda hoos galo e,
muu naga carraaboo haddeer, naga ciyoon guuro,
anigana culays iga ridiyo, ciilka iga haaya,

iyadoo la yiri kaan cirbaha, hooyo carafseynin,
jannadii carfoonayd ma galo, cago ma saaraayo,
oo carradii makaad iyo haddii, carabta uu geeyo,
oo coofka dhabarkiisa iyo, cago ku sii qaado,
oo halkii ku soo celiyo ee,  cadale uu keeno,
cisha qura garraar ciiray oy,  calawdayoo taahday,
naxdintiyo catawgeedi buu, cirif ka gaareyne,
ninka caasiyee hooyadii, caay u soo mariyey,

Rimmaneed caloosheedu ee, cududda yaw jiifay ?
caanahey irmaaneyd ayaa,  naaska ka cabaayey ?
cishadii ay roor-roor gashee, curadka raadseysey,
cibaadada ayey uga tagtiyo, camallo gaarkeede,
oo cunaha waxay mariso iyo, cayshki uga soontay,
sow ciddaasu adi may ahayn, ceeb lagaa tiriye ?

cuquubada haddaan eegin iyo, cirib dambeedkeyda,
caasigaani Hooyadii dhashee, ciidda nagu keentay,
iyadoo carruur goobi iyo, curad u ciidmaaya,
calaacala u taaggii alley, caaddil uga tuugtay,
ee ay codsiga dhiibatee, caadka sare eegtay,
cilmulqayb haddey heli lahayd, cadowga soo haaya,
cirbad qaadataa ama kiniin, caana gadataaba,
cawadaas ma qaaddeen waqow, calafki seegaaye,

balse caana daataba mar baa, laga celshaa qaybe,
hadduu nugu caweystaa ilaah, nugu caroonaahe,
muu iskaba carraaboo hormaro, muday cadaabtiiye,

Markuu dherebta ceegaagey iyo, carunka foosheeda,
oo caano mooyee cuneyn, calaf la quudaayey,
oo uunan calal qaadan karin, cood kaleba daaye,
cisha noolna maraduu ku bano, ciridda geyneysey,
oy caraf u qaadeysey iyo, dahabka ceeriinka,

maanta oy murquhu ceegsameen, laba cishriin joogo,
inu cagaha leefay ahayd, ciribta hoosteede,
haddii uu calyada qubahayee, iyadi caynaayo,
caanahey ku soo habi jirtiyo, cayshki baa qabane,
oo cadaabki buu gelahayaa, xero calolyoowe,

balse haatan annaguu culays, nugu cadaadshaahe,
cidu kani la joogee cawiyo, Fiidki la casheeyey,
inuu eebbe u caroonayee, roob ka celinaayo,
culummada bal daa ee walley, caammo garaneehe,

illen cadow hadduu noo yimee, ayax na cayrteeyey,
qofka caynkanaa nugu dhex nool, nala caweynaaya,
balse caana daataba marbaa, laga celshaa qaybe,
markuu ciidda hoos tago ayuu, roobku noo curane,
war bal muu cagaha dhoofo oo, galo cadaabtiisa,
oo ciyoon na moodoo u tago, ceelalyada tiisa!

tanya canugga beriguu ahaa, camanka buurbuuran,
iyo maanta oo uu cirrada, ciiro u ekaaday,
inu laba canleeyaan ogeyn, coodu soo dhaqane,
calooshaa siddada weyn lehee, hore u ceegaagta,
haddey caasha hooyadi tihiyo, curubo xaaskiisu,
labaduba culays bay qabeen,  inay cabbeeyaane,
dib inu u caayaahi waa, caadadi ibliise,

hadduu xaawaley caayey oo, dumarki ceebeeyey,
isagaw cimbaday ee iyaga, ceebi kala dheere,
cilmulqaybka keligiis ogaha, caalle iman doona,
caddeyn buu u sii dhigay kuwaa, lugu cirdeeyaaye,

curashada markii uu adduun, cagaha saaraayey,
cawraduu ka soo baxay tin iyo, ciribta tiisaahe,
niney ceebi qabataase taa, ku cibro qaadaahe,
kanse cirib dambeed buu maraa, cayshna uma yaale,
hadduu nugu caweystana dhib iyo,  cudur na goobeeye,
warbal naga carrawshoo waryaan, nalugu hoyn caawa,

Ra'da kii u sii cariya ee,  cida u sii geeya,
siina faafsha ceebtiyo wixii, ina cambaareeya,
ha ogaado inuu caawiyoo, cadow u hiillaayo,
oo cadaab la qaybsanahyiyo, caro ilaahiisa,
caqlilow ninkii ahise taa, yuu ku soo celinin,
hana gooyo ciribteeda iyo, weliba caynkeeda.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk