Buulaay Mareerey - 02 Oct, 2005
Buulaay Mareer-ley,  Belo iyo Dhibaatiyo, 
Baas laga fogeeyaay, Cid waliba ha baydhoo, 
ha ballayso Beentee,  taan u bogayo maantaay,

Inkastoon Baddeediyo,  Xogta hoose aan baran,
Boqollaala Qoysoo,  kala Beela baa dega,

Baallaha Adduunyada,  Dulmi wuu ka buuxaa,
balse Buuladaan deyey, Beelu beel ma liiddoo,
ways wada bariidshaan.

Bini aadan badan iyo,  Badarrada la beecshaa, 
Suuqa baradi yaacaya.

Galley iyo Bariis iyo,  Baasto iyo Qajaar iyo,
Babbaayga iyo Maangiyo,  nooc walboo Bataatiya, 
lugu beeray Webigiyo,  Beerta Roobka lagu shubo, 
baa yaalla Buulada.

Weli waxa ku badanoy,  la baaxaadegeysaa, 
Xoolaha bidhaantood.

Waxa weli ku badanoo,  ay Banaadir dheertahay, 
Dibi baalla weynoo,  Shaagag loo bineeyoo,
u baxaaya Shaqadoo,  Beel dhan biilka siinaya.

Mid galleyda buubshiyo,  muruq maalku badanaa, 
Gabar Baradho keentiyo,  Beeralleydu badanaa,

Isgaarsiinta buubtoo,  Hawadaa birqaysiyo,
Hawal-wadeenku badanaa. 

Cismaan baabka Diintiyo,  jecelaana Baari'a,
Ugaas Xamar u baxay oo,  Bira dheer ka keenoo,
Golweyn soo balleeyoo, qaar ku soo ballaminaya,
badanaa Shaqaaluhu.

Inkastoon Ammaan badan, Buulo soo butaaciyey, 
kolley Ceebta baabkeed, Bini waad ku leedee,
marka Buubku kaco ee, Hawadaasi boor galo,
Qof Sanboor ka buuxsamay, biiftiisu badanaa.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk