Buulaay Mareerrey, 02-10-2005
Maansadan Buulaay Mareerrey, waxay dhalatay 02-10-2005, oo aan markii iigu horraysay tegey Tuulada ama aan dhaho Magaalada Buulo Mareer waayo way u qalantaa, waxanna ku arkay waxyaabo badan oo aad u cajiib ah, waana tan:

Buulaay Mareerrey, Belo iyo Dhibaatiyo, 
Baas laga fogeeyaay, Cid waliba ha baydhoo, 
ha la booddo Beentee, taan u bogayo maantaay,

Inkastoon Baddeediyo, Xogta hoose anan baran,
Boqollaala Qoysoo, kala Beela baa dega,

Baallaha Adduunyada, Dulmi wuu ka buuxaa,
balse Buuladaan deyey, Beelu beel ma liiddoo,
ways wada bariidshaan.

Bini aadan badan &, Badarrada la beecshaa, 
Suuqa baradi yaacaya.

Galley iyo Bariis iyo, Baasto iyo Qajaar iyo,
Babbaayga iyo Maangiyo, nooc walboo Bataatiya, 
lugu beeray Webigiyo, Beerta Roobka lagu shubo, 
baa yaalla Buulada.

Weli waxa ku badanoy, la baaxaadegeysaa, 
Xoolaha bidhaantood.

Waxa kaloo ku badanoo, ay Banaadir dheertahay, 
Dibi baalla weynoo, Shaagag loo bineeyoo,
u baxaaya Shaqadoo, Beel dhan biilka siinaya.

Mid galleyda buubshiyo, muruq maalku badanaa, 
Gabar Baradho keentiyo, Beeralleydu badanaa,

Isgaarsiinta buubtoo, Hawadaa birqaysiyo,
Hawal-wadeenku badanaa. 

Cismaan baabka Diintiyo, jecelaana Baari'a,
Ugaas Xamar u baxay oo, Bira dheer ka keenoo,

Golweyn soo balleeyaa, qaar ku soo ballamiyaye,
badanaa Shaqaaluhu.

Inkastoon Ammaan badan, Buulo soo butaaciyey, 
kolley Ceebta baabkeed, Bini waad ku leedee,

marka Buubku kaco-ee, Hawadaasi boor galo,
Qof Sanboor ka buuxsamay, biiftiisu badanaa.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk