BURI MIDGAANKA, 09-06-2005
Buri midgaanka oo soo baxday 09-06-2005 waxa ay ka hadlaysaa Heshiis ay Soomaalidu Ibliiska la gashay taasoo keentay in soomaalida maanta jirtaahi badankeedu labo shey hadba kii xun ay u jecelyihiin & in hooyadii ilaahey sheegay in ay xaqa 1aad, 2aad iyo 3aad iyadu iska leedahay aabbuhuna xaqa 4aad uu yeelanayo, islamarkaana raximka oo ah makaanka hooyadu ilmaha ku qaaddo oo ilaa uu ka dhalanayo ku xafidnaado ee uu ilaahey ku yiri (raximow waxan kaa jeexay magacayga raxiim, ciddii ku xiriirisana waan xiriirin, ciddii ku goydana waan goyn).

Haddaba soomaalidu hooyada iyo raximkeeda iyo ehelkeedaba way isla tuureen oo ay dulleeyeen, waxa ay isu laynayaan oo uu dhiiggoodu sidii webi durdur ah u daadanayaana waa in ay dhanka aabbuhu ka soo jeedu nooleeyaan, dhanka hooyadana dulleystaan, illeen waxaannu isla ognahay in qabiilka loo dirirayaa yahay abtiriskii aabbaha, kan lala dirirayaana yahay abtiriskii hooyada, illeen abtiris 3aad ma jiree.

Waxa qaarkeen xusuusanyahay sheeko murugo leh oo ahayd in beelu ay beel kale ku duushay ee dhawr iyo 20 qof ka soo dileen, ciidankii dadka soo laayey nin ka mid ah ayaa raggii qaatiliinta ahaa qado u sameeyey, iyadoo la isla qosqoslayo oo guul weyn ay u arkayeen dhiiggan ay soo galeen, ayuu doqonkii wax casumay soo galay qol ay hooyadiis ku jirtey, saa wuxuu arkay hooyadiis oo siday u ooyeysey ilmadii ka baxday dharkeedii qoyey, isagoo is bihinbihinaya ayuu yiri: hooyo maxaa kugu dhacay ma xanuunsantahay, ... waxayna la ooyeysey waxa dagaalkaas ku geeriyooday 3 walaalaheed ah, 2 adeerradeed ah iyo 2 wiil oo midna adeer dhalay midna abtigeed dhalay, isaguna inkastuu ogaa in hooyadiis ka dhalatay qabiilka uu soo laayey, haddana dagaalka oo dhawr aag ka dhacay awgeed, ma ogayn in qaraabadeed hoose la laayey... waxa ay ugu jawaabtay: orod la bood-bood kuwo aan naasna kuu deyn weligoodna koob biyo ah ku shubin, berritana ku dili doona.

markaa buu iska dhigay nin murugaysan oo uu nimankuu isagu casumay iga baxa yiri gurigaa tacsiyi taale .. sidii bayna u dhacday oo maalintii 17aad mid ka mid ahaa nimankii abtiyaashiis la xasuuqay ee uu qadada ugu daray, ayaa jufo hoosaad ahaan u diley, ... calaa kulli xaal, maansadani kuma saabsana arrintaas, waxayse ku saabsantahay markaan eegay sida ay soomaalidu u dhaqmayso ayaa waxa iiga soo baxay inuu ibliis heshiis kula galay soomaalida inay wax kastoo xun jeclaato, qofka fiicani ma fiicnee naca, ee qofka xun ayaa fiicane jeclaada, waana tan maansadaa oo soo baxday 09-06-2005:

Soomalaay Baraad laay Bahdey, taan u boholyoobay,
ee Hooyadeed baaratoo, jecel Baroorteeda,
Bela wade Ibliis iyo Naftoo, Boholo kaa tuuri,
ayaa kula ballamayoo ku yiri, bi'i Masiirkaaye,
Suntan aad Bariis Baasto iyo, Barafka moodayso,
eed sidatan ugu bogina ood, Baalka gelinayso,
ee Beliyo Baas kuu ahaan, kuu bidhaaminiye,

Ballantuu ibliis kula galiyo, Beeshani ku waashay,
kugu yiri Bahdey soomalaay, Baraka beelooyin,
waxan ahay Khabiir baaray oo, Baarka firanaaya,
Maalinkii lay buubshee Rajiim, laygu bari gooyey,
+
anun bays ka boodee aniga, layma burinayne,
inan Boqor noqdaa lay rabiyo, Buurta inan fuulo.

Halka Yurub Berliin iyo Bekiin, Barafku uu laayey,
marna uu Kulayl baaba'shoo, Maal ku bixiyaanna,
adna Soomalay Baa'ri baa, kuu baraariyaye,
Barwaaqaad dhex jiiftaa Khudaar, adigu aad beeran,
Waddan baaxad weyn ee Ilaah, Barako kuu buuxshey,
Badda dheer Bidhaan Xoolo badan, Beero lulanaaya,
Webiyaal Burqaayiyo Nimcadan, wada butaacaysa,
Hawo Carafta buuxdiyo Bukhuur, yaabi Barafuunka,

wuxu yiri Ibliis Bele wadaa, Waano Bayaxaawa,   ----
Qabaliyaw bogaysaay haddana, Bururto Soomaali,
Adigiyo Ciddii boodda ee, Bitiga loo siiyo,
Burji baan u leeyahay inaan, Bohol ka tuuraaye,
Barakaca ayaa fiican iyo, Buushash loo qaxo e,
ka bul dhaha Guryaha Tuugsi baa, dhaama Bilicdaane.

Saad uga dhex booddood Nimcada, Baahi ku cawayso,
anigaa ku barayoo aqaan, Baaska iyo Hooge,
oo Qayladiyo Booyintiyo, garan Balaahoowe,
Dad sidiinna baantoo dhergoo, Beri-samaad jooga,
+
sida Baahi loo bado anaa, garan Baleenkeede,
Ba'da ugu horreysiyo Dersaan, Soomalaay bixine,
Boholyoowga aan kuu qabaan, Caashaq bururaaye,
iga baro Duruustaan ku siin, Buugga ku xareyso.

Wax kastaba Boqrey leeyihiin, Baashe iyo Dhiine,
ka billow ayuu yiri Ibliis, Baabka u horreeya,
Hooyadaa ha boysoo Fir goo, Beesha dhinaceeda,
Baasha ay ka jeeddiyo intii, Boqol Ayeydeeda,
+
Abti baacso Habaryaro bugey, rida Baroonkiinna,
Baalkaa haddaad soo rogtood, Docda kalow booddo,
Baaqiga haraa waa fudayd, Baab ku celin maayo,

Tan xigtana birey Ruuxi aad, Xoog ka badinayso,
Baqtigaa macaan iyo wixii, Booli lagu sheego,
Xaaraan bashuuqsiyo wixii, Boobe lagu keeno,
Beenta raba Boqon gooya kii, Run u busaylaaya,

Shaarubkiyo kordhiya Baafahoo, Gararka biigeeya,
Bilcaamuhuna hays baacsadeen, Suuqa baradiisa,
oo Xishoodka biigeeya oo, Ceebta barakeysta,

inta aad Biyooley tagtaan, taniyo Booyaaye,
Qabuuraha ku booyoo Carruur, tuuga Berigoo dhan,
Bacadkiyo Carrada buubsadoo, Baco ku qaadqaata,
oo Qurbaanka bixiyoo ilmaha, Biro ka laalaadsha,

Salaadaha ka bayroo Sakada, diida bixinteeda,
barakaysta Dahrahoo Xarkaha, Bulal ka laalaadsha,
Xoolahay idiin badini oo, kuna bilaalaaye,  

Ba'da gabaygu waaniyey Ibliis, Bururto Soomaali,
Bele wade wuxuu yiri nayaa, Soomalaay bururto, 
Diintaad Abkaa Baarbe iyo, Buni ka soo gaartey,
iyo Baaddil wixi aan ahayn, waa Bidciyo beene,
Gararweynta beddelaysa ee, Baaqa cusub keentay,
iyaguba Sacuudey Batrool, badan ka dhuuqaane,
wax kastoy Bidcadu idin tiraa, Baaqi Alle eega,
Awliyada haddaad buubsataan, keliya Boorkooda,
ha biqina Biyooley ayaa, idin badbaadeeye,

<<< SUBXAANALLAAH BEEN BADANAA BELO KUGU.. >>>

wuxuu yiri ibliis Belo wadaa, Soomalaay bururto,
Baxsanihii Rasuul beeniyoo, baaja Eregiisa,
wax kastuu ka sii baaqay oo, sheegay Beladooda,
waa inaad u booddaan sidii, Aarka ugu buuba,
wax kastuu Baraawana yiroo, Bilic ku sii sheegay,
waa inaad ka booddaan sidii, Deero uga buuba,  

isu booba is jufaysi oo, Baaddil ha sarreeyo,
is baroonsha Dhiiggiina quba, booba Deriskiinna,
Abtirsimo Bahdaadiyo midkaan, kula ahayn Buube, 
oo aan Buraaliyo ahayn, Jilibka Buufoole,
Wadnahawga beeg Shiiska oo, yuu baxsanin kaasi, 

midnimadu Baliid weeye tii, Qoomka badineeye,
kala baxa Dhulkana qaybsadoo, Beel u kala jooga,
Tolkaagaa ku badanaaya oo, Cadow ba'aayaaye,
buubi oo birey Ruux Midnimo, kugu baleemaaya,

Baaquu Ibliis waaninayey, bururto soomaali,
wuxu yiri Bintiga Soomalaay, waanba kuu bogaye,
wax kastoo Xadiis boorriyiyo, Nabigi beeneeya,  
oo waxa Ilaah baabay oo, reebay Baradooda,
Bogga kula ordoo yaan Fardhuhu, qaban Bidhaantiinna,

Bir Xaddiida Dameeraha ku xira, buuxsha Guradooda,
haddii Ruux Wanaag boorrinaa, Sawtka kugu boobo,
inkastood Bidhaantiyo la taal, Joogga Ballacaaga,
Qalbigaagu waa inu baxoo, Meelo kale booqdo,
oo Ciyaarta Birmigaanti oo, Baarma lagu aadshey,
tooda Koobka ugu soo baxee, badini soo daawo,  
haddii uuse Belo kuu wadiyo, Sheeko Baralleeya,
Qosolkaaga bixi waa inuu, Jaarku bururaana,

Ballantuu Ibliis uu la galay, Badawda Soomaali,
wuxu yiri wanaggaan ku bari, baan bandhigayaaye,
Beentaa ka wacan oo Runtiyo, Xaqu Baliid weeye,
Shakigiyo waxaad mooddo baa, Baabka Naxariisa,
waa inaad Xaqiiq baal martood, Baaddil garabsayso,
ka fogow Cilmiga kii bartoo, Jaahil barakayso,

Markii aad Qabiil baanisood, boobi Riximkaaga,
ood Aabbe bood-booytin ood, Beerka jari Hooyo, 
Abtigana bireyn ood Adeer, Baalka gelineyso,
oo aad Habaar beegan oo, Barar ku soo haayo,
Boqorkaw horreeyaa tahoo, jooga Berigaase,
midkaan Baaririnimo kuu qireyn, Buri Midgaankaasi,
 
Qodaxdiyo Birjaafada midkii, kaa badbaadinaya,
oo Beer Kabaa kuu tolee, Cagaha kuu buuxshey,
oo weliba kuu baalashee, Burush ku sii nuurshey,
isna Beerka Feer uga dhifoo, buri Midgaankaasi,
  
Ninka Timaha kuu Boor tiree, Baabbacada saaray,
oo Qurunka ka soo baxshee, buufshey oo jaraya,
inad Qurux baraartuu raboo, kuu Basaas tiraye,
isna Badowga kuu Beer naxaa, buri Midgaankaasi,
 
Midka kuu dabaashee Badweyn, baacsanaya Dheemman,
ee Luul wada birqaayiyo Udgoon, kaaga soo bixiyey,
inkastuuba waxad ugu bogtiyo, Bilicsan kuu keeno,
Jaaji weeye Boon dhalashadiye, buri Midgaankaana,           
  
Bir la soo tumee Beer fashee, Beecna lagu doonto,
ama neef biraysee baqtiga, kaaga beri yeesha,
ama Hilibka Beerkiyo Miskaha, Bawdo lagu gooyo,
ama Beesha uga daafacee, cadawga boobaaya,
ama Buuryadaba kaaga jari, Balafta laallaadda,
ama Badarka karineysa ood, kuna bisleyneyso,
ama lagaba buuxaayo oo, laguna beegaayo,

inta aan bidhaanshee Ba'diyo, Baarka ka caddeeyey,
iyo Boqol kaloo baaqiyeen, gaarin Baradooda,
Birta kii bugeeyee Bacdiyo, Bawda uga saaray,
oo Dhididku Baallaha dhigee, buuxshey Maradiisa,
oo Xoogga kugu beelay ee, Baahi badan awday,
inad Horumar baahduu rabee, buri Tumaalkaasi,
 
Inantii Bukhaariya Tirmidi, Diinta soo baratay,
oo lagu barbaarshoo Aqoon, Buuni  ku ahaatay, 
Bushimahana Bawsiya Xantiyo, Beenta laga dhowray,
Bilicdana Gabdhihi loo bandhigay, Buundo uga qaadday, 
on si buuxda eegmada Ninkeed, ugu bareereynin,

iyo tii Kufriga Baababkii, loogu Bari gooyey,
Bahashaa Candhada qaawisee, Boqonta muujeysa,
oo madaxa baaldiga lahoo, Timaha buukeysan,
Baaquli in loo soo gelshiyo, Buruko moodeyso,
Baqtigana Khansiirkiyo cunee, Biirka la qamiirshey,
oo Aabbaheed Baar Khamriya, Boolan ugu yaallo, 
Hooyadeedna ay beecsanee, Badanka qaarkiisa, 

Baqashaas intaad baacsatood, Beesana ku raacdo,
adoo Beerjin guursani middaa, Lacagta baandheysa,
Bilicleyda Baayada ahee, Beesha kula joogta,
Odaygii Boqlaad baa Baqtiga, Baahi ku qadeeyey,
adigoo u baarbaarayoo, ugana bayraaya,

iyo inay Bekiin iyo u dhalan, Biritan ooddooda,
oo ay bahdaadii tihiyo, Baashi gabadhiisa,
inkastoy Wanaag biirsatoy, Xumo ka bayrayso,
haddii ayba baandhaynin oy, Doollar badan haynin,
kuma geydo Berrin lagu dhalkiyo, Gabar Baraawaade,
adigoo is buufshoo karaa, buri Midgaantaana,
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk