BISHAAR 03-01-2008 00:55
Bishaarow ba'dii gabay haddaan, kugula baarraamo,
ilaah ruux baraaradi ku jira, kama basaanbaaso,
oo ruux balooley tumaa, kama badbaadaayo,
labaduba haddey boodin oy, dhinac kalow bayrin,
baaqi bay ku sii noqon halkii, taniyo buunkoode,
+
nafta waa la buurtaa ibliis, kana la buubshaaye,
markaa buu Hanuunskii baxshaa, Baari' suu yiriye,
ama uu Ibliis baas wadaa, baacso uu orane,

adduunyadu bilaash weeye iyo, hoogga baradiisa,
ama waa barwaaqiyo udgoon, lagu bulaalaaye,
labadana addoonkaa baryoo, hela bayaankeede,

hooyoo bugtii hore ahayd, ruuxa buradiisa,
bar adduunyo isagoon ka tegin, biniba waa maale,
billowgiiba wiil aabbihii, aakhiro u bayray,
+
agoonnimo haddey ugu ba'doy, ugu basaasowday,
baalka gelinaysey oo, boor ka tiraneysey,
beerkana ka taabeysey oo, gaajo bi'ineysey,
+
oo hadduu bukoodana ilaah, ugu baroorayday,
oo Diin bartiyo waxa adduun, lagaga boolaysto,
oo bishaarna ula sii baxdiyo, barako soo maaggan,

ilaah Baarri weeyee haduu, baga u xoogaabay,
qaangaarna uu buuxsamoo, labo ku sii biirtay,
inu biil u keenay ahayd, biyiyo baadkeede,
iyadoon lix boos iyo u jirin, baacyo iyo kiilo,
hadduu iyadi baylihinayee, jaar la barinaayo,

keligeedna buul ku hoyatoy, gegi bannaan joogto,
subaxdiina baal marahayoo, una bariidaynin,
marna uu banooniya ciyaaar, bari u sii dhaafo,
bushintoon dhawaaqayn haddey, uurka yara buurto,
bidhaantiisa daa ee wallay, faraca buubseehe,

anigoo Bariyo Daaha iyo, Birabbinnaas eegi,
oo dhalasho beegsanahayoo, Beel kula wadaaga,
ayaan baaq dambeedkiyo qoraa, hiillo badaheede,

allow yaa Bishaar kugu yiraa, hooyo barakayso,
oo ciribtaa baasheed dhunkoo, boorka ka ilaasho,
oo is boorna boola xoobtadiyo, xoogga badan jooji,

haddii aadse Buundooyin iyo, baaddil xiganayso,
oo in aabbaheed buuratee, buuqday laga yaabo, 
ogow uun dembay beeratee, iyada baabkeeda,
beri bay ka tahay oo adiga, luguma beegaayo,

ee baabka goo oo adigu, meel san ka billaabo,
ama ubadka berri aad dhashaa, ciil ku badi doona,
ee adaa u baahane hadhow, baadinnimadooda,
iyo beriga buunku uu dhacee, laysku belelaayo,  -----
saad uga badbaadee haddeer, beerta u abuuro,

balse ruuxa baas loo wadiyo, boholo naareedka,
oo uu ibliis burinayoo, buur ka rida doono,
araggaa busayloo indhaha, baabka laga awdye,
barqadii Cadceed joogta buu, baabah oranaahe,

waxaseed marqaatiya burhaan, buugga gelineena,
haddaad Waanadaan kuu bandhigay, bidix ka sii tuurto,
dhinacaad u booddaba haddaad, gelin balaahowga,
oon lagu baleensanin waxad, bararso maagtaaba,

oon ruux adiga kaa baryari, kugula soo boodin,
berritana ad bohol Haawiyiyo, naarti ka barooran,
allaylehe waxaan soo bartiyo, been dheh tacabkeygi.!!
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk