Bashiir baarri usa aaday 24-12-2014 20:51
Bashiir baarri baa naga tegiyo, Baasha ummadeede,
Maleesiyu ka soo baxay maraa,  Baasha Fiyetnaame,
una sii baqoolaa Japan,  Buukyo iyo tookyo,
shimbir Baalal dheer buu haddeer, Baal ka fadhiyaaye,
Allahayow badbaadiyo ku gee,  Nabad baraaraysa.

Sanadkoo laba kun buuxdo oo,  Afarya tobnaad boodday, ------
todobbada beree weli hartee, Sanadka buuxaysa,
Arbacuu ka soo baxay Bujuun, Buutriyo perdaana, ---
Allahayow badbaadiyoo ku gee, Nabad baraaraysa.

Bashiir Baarri baa loo baxshiyo,  Baashe ummadeede,
saacadduu ka soo baxay Gombaak, Key El ka baqoolay,
kolay wiil barbaar iyo ku tahay,  Ubad biyoolaaba,
ama habar buktoo lafu jabtiyo, Biixidiyo lowga,
ama oday is baaree la yiri, Berrito soo laabo,

Bashiir baarri wuu tegey markii, Buunka lagu yeershay,
bartankii gombaak iyo sutraba, galo Baroortiiye,
ma ay laha buktuu qaadayaa, Cudur ba'aayaaye,
oo Allahood bagey aaminaan, Buuq ma geliyaane, 
balse kaalmadiyo caawintii, Baarri tebinaayey,
ayaa boggu wada xanuuniyo kobaan, haynin Belo toone,
Allahayow badbaadiyoo ku gee, Nabad baraaraysa.


bartankii Idmaan suutro bay,  booyayaan weliye   duule
billaahaan ku dhaartaye inaa,  Baahi loo qabaye,  
isbitaal bukaan jiifo iyo,   Buushka iyo fooqa,
oday duqa wixii baahanow,  ama barbaar joogey,
bashiir baarri wuu baxay markii, Buunku ugu yeeray
mid baroor qarshiyo waxay noqdeen, Baadka kuwo diida,
Baari-ow badbaadiyo ka dhawr,  wixi baleemaaya,

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk