Bashiir baad siddaa oo ka duwan, baababkii hore e, 03-07-2015
Maansadan la magac baxday Bashiir baad siddaa ee soo baxday 3-7-2015 waxay ku timid oday xaafaddii Idaman Sutra joogey baa i yiri aaway bashiir maanta kulama socdee? wuu dhoofay baan ku iri oo hal mar buu intuu naxay igula soo booday yaa isbitaal igeynaya? anigoo tii xusuusan buu bashiir maalintii dambe i yiri waan soo baxayaa oo Hoston ayaan ka soo dhoofayaa mise soo marayaa ma xusuusto miday ahayde, un baan mid asaxaabtiisii banooniga la ciyaari jirey i weydiiyoon ku iri inshaa allaahu wuu soo socdaa, siduu u farxay baan ka yaabay, markaas baan Bareekiyadii ama diyaaradda Bashiir soo qaadaysa la hadloon ku iri iska jir ninkaad siddaahi dadka wuu ka duwanyahay, waxayna ahayd:

Maan jecli Ammaan Baababkeed, Diintu may biline,
oo Basharka waa bay dhibtaa, Buur ka ridataaye,
oo Nabigi baa noo biroo, sheegay Baradaase, 
Abwaan baase Beri waa horaa, Bayt wuxuu tiriyey,
Xagal Geel ka weyn Baydda iyo, Baal wax lagu kaayo,
aniguna Bartaa baan darteed, dhihi Baleenkeeye,

ka badbadis ammaan may ihiyo, Beenu raad ma lehe,
inkastoon cabburiyoon Ba'diyo, Baytka qabo maago,
isagaa jabsaa Bawdka oo, Gabayga buuraaye,
oo intuu ka soo baxo Guntuu, Dibaddow boodaaye,
oo wuu i buuraa haddana, Beerka belelaaye,
Bugto iyo wuxuu dhalin Jirray, bixin Dhakhaatiire,
intii uu Boggaygiyo Kelyaha, gelin lahaa Buuko,
hayga baxo Xanuunkiisu kaa, Beenu khayr ma lehe, 

Gorgorkaa Bashiir soo sidow, Boyn dheh magacaaga,
Falaytkaaga Berigaani ee, Buugga ku astaysan,
Beriga Beryihii aad tiqiin, Sheeko Baraleydi,
Kaftan Baababkiis may ihiyo, Magac bilaashleeye,
Bashiir baad siddaa oo ka duwan, Baababkii hore e,

Bannaankii Garoonkii Hostone, Haadku wada buuxay,
goortii Bashiir kuu yimiyo, Baasanjar hiloobay,
ee Bisinka mid-midkood qabteen, Suunka wada boobay,
waadigii is bahardaadiyoo, Laba kaclayn buubay,
Eebbahay ku baal mari Beliyo, Cimilo baaskeedi.

Cir bixiye sidiisii waxaad, Hawada buubtaaba,
Hadba waxa ad Baaxaa-degtood, laliso Baalkaaga,
oo aad Berkaa iyo Berkaa, Burinta liishaanto,
Buurihii Hawaay ama waxaad, Badaha soo jiirto,
Bogga waxad ku soo qaaddo Caad, Buuro la ekaaday,

inta aad Berkeennaa sariyo, Samada buubayso,
iyo markaad Bannaankii timaad, Key-el iyo Baansar,
Baari'ey ha kuu buuxsho samo, lagu baraaroobo,
Badbaadada markaan eegno iyo, Qurux Billaantaada,
Boqorkii Dayuuraadka noqo, Dunida buubaaya,
oo Samo ku baalbaaliyoo, Nabad ku baashaala.

Inkastood Bareekiyo magaca, Boynta la wadaagto,
oo Bidhaanta Ruuxii arkiyo, Muuqa Biliglaynta,
Bar ka mida Diyaaraadka tahay, Dunida buubaysa,
Bashiir baad siddaa iyo nimuu, Rixin ku baanaaye.

Duuliyaha ku baalbaaliyee, kuguna baashaali,
Baylood Xariif ahi wuxuu, Jimanka kuu buuro,
Bidixda iyo Midigtiyo wuxuu, Jilibka kuu baacsho,
marka uu Garoon beegsadee, Taawarka u baaqo,
ee Bartii qorshuhu uu ahaa, Taako lagu boobo,
la ballaqo Albaabkoo Dadkooow, Baxadu ay yeerto,
+
ee uu Bashiir muuqdo ee, joogo Bixiddiisa,   
oo Salaanta Baaqeedi uu, Sacabka baafbaafsho, 
Bahdii soo dhaweyntiyo intii, Baro aqoonaysa,
Qalbiyada Bartaa jooga bay, Farxadu buuxeeye,

markii ayse sii badato ee, jebiso bawdkeeda,
Filanwaaga Nimcada Baari'ey, ilo burqaa moodi,
Berkeg iyo marbay Feded dhashaa, Baygag iyo Roore,
Wadnahaaba boodbooda Qaar, Baqo sideediiye,
ruuxii bashiir sugahayee, Muuqi beegsadaba,
sidaa bay barkood wada noqdaan, Baabab yaab badane,

Baloolley sideeday Ciyaar, Sacabka boobaane,
haddii ay xitaa Bawda iyo, Bababacdii yeerin,
Quluubtaa u boodboodda oo, Badan dhaqaaqaaye,
waa kii u boga Ruux arkaa, Beel kastuu yahaye,
Eebbahey ku bixi Beri kastaba, Baari'ay megane!

Duulkii bugtadu ay dhibtoo, Bilo ku soo raagay,
Isbitaal ka buuxaa fahmaa, Baabka hadalkeeye,
Ilaahow bislee Beer janniyo, Ubax bidhaamaaya,
Ilaahow Bashiir Baarri dhaaf, Dembi wuxuu beerto.

Walaalkey Bashiirow adoon, Baaluq weli gaarin,
iyo maanta ood Berriga iyo, Badaha gooshayso,
Baxsanaad Dabeecada ka tahay, Baashi loo bogaye,
mana ahan Malaa'iga Bahdiyo, Baababkaa kale e,
oo Bashar waxaa tahay jiroo, Aadam laga beeray,

Baahsanaa dabeeciisa iyo, baabka samirkiisu,
Baraariyo la jecelaa wanaag, dunida oo buuxda, 
Ibliiskii ku beegnaa miyaa, Tawbad u bareeray,
oo rumeeyey Baashigi Rasuul, Biirshay Ummaddiisa,
oo Qur'aanka baranaaya oo, Baqara meersaaya,
oo u beerraqoo Diin Jacayl, Baaqi ku ahaaday ?

Adduunyada Balaayaa jirtiyo, Baxar baxuurkoode,
Ruux bilanya ruux Baarri ahe, xumo ka bayr maaga,
Xasad Baacug weynaa jiriyo, Qummaya beer dheere,
oo intaa u buuflayni inu, uunku bararaaye,
Adkaartiyo adoo baynadii, Baqara kaashaaya,
+
ilaahey ku baal mari waxay, Doqontu buufayso,
dadku kala nasiib badan cirkaa, loogu sii baxaye,
Ruux Baruud leh kii ugu sitiyo, Buuni noqo duula.

wax kastuu Bidhaamaba Adduun, Baali buu noqone,
oo waaba laga wada baxaa, Ballan ayaa taale,
goortaad baxee oo Ilaah, Baari' kugu beego,
bashbash iyo barwaaqaan dhammaan, lagu bogaadsiiyey.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk