Bashar muuqa dadka uga eg, 14-12-2018
Bashar muuqa dadka uga egoo, Baashi la yiraahdo,
Balse dhaqanka Bahalaha ka mida, Baabullaha Aarka,
oo haddaad aroor soo baxdood, Baradi soo gaadho,
Salaantii Bariidada tiraa, Baashi nabad sheega,
sidi inaad baryada tuugsan ood, Binina weydiini,
Sanka bololin isna buufinaa, Burin sidii shaaha,

Baa Beri nin Baadiye degoo, Gaajo burinayso,
oo ubadki baaba'ahayoo, dhawr Beri an quudan, -----
ninuu Beledka ku ogaan jiree, Maalna badan haystey,
oo Dukaan u buuxuu u yimid, lana bulaaleeyey,
wuxu yiri Bandheer baan ka imid, Laanti Baraxeeye,
oo Gaajo loo baaba'oo, Baadna ka idlaaday,
ubakiina Baahibu Boggiyo, Beerku belalaayey,
oo dhawr aqool Baad afkiyo, Bushin ma ay saarin,
Bahya Ehel Qaraabaan nihiyo, Reer Bakaal Caliye,
ila raadi hal koobboo Badara, waan bixinayaaye,

suu u baxo dukaankiyo markaa, xiro Bakhaarkiisa,
ayun buu ku boodoo khasnadi, Fure ku soo baabay,
isku boobay lebbiskiisi oo, Safar baraaraystay,
oo Caag Biyaa soo dhifsaday, 3 le soo buuxshay,
oo safar inaw baxo raboo, quful ku soo boobay, --- xiro bakhaarkiisa,
buu yiri an kula raadsho bale, Badarkad sheegeehe,
Bax i gey Bartuu kaaga lumay, Koobbo Badartaasi,
oo bidhaanti u dambaysey iyo, muuqi biligteedi,
far ku fiiq Baraawaa tihiyo, Geesi loo bogaye?

Beledlaha Bakhaarlaha waxaa bi'inayoo, Buuqa gelinaayey,
wuxu rabey Baryada inuu jilbaha, hoos isugu buuso,
ila baar maxaa keenay muu, baryada ooy ooyo,
oo hoos isuna buuso oo, dhabarka soo booro,
anna aan markaa buriyo oo, ---- Baabah ku iraahde,

oo miskiinka baadiyey wuxuu, Beledle ku huruufay,
Badarkaad arkaysiyo nimcadan, tuban Bakhaarkayga,
Bilaash kuma imaanine rag baa, Bawdo ku shaqeeyey, soo baleensadaye
oo meeshan Beri hore dhigtoo, biirsadoo helaye,
ka bul dheho waryaa ii bannee, maqalka Baashiisa,
haddii kale Boliis baan u wici, budad ku leefsiiya,
dabadeedna Booraan God iyo, Jeel ku barineena,


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk