Basal lagu dahaaroo maqaar, 15-08-2018
Basal diirka lagu awd
Basal lagu dahaaroo Maqaar, Badanka loo saaray,
Yaanyada mid lagu baabay ee, looga dhigay Bawdka,
Canabkiyo Babbaaygiyo miraha, Beeraha ku yaalla,
iyo kuwa ka baxa kaymahoo, boqol malaayiina,
Baari'ooda mooyee cid kale, beerin cidu waana,
oo Komosh bidhaamiya ku badan, Miracas baal weyna, 

iyo Diir khafiifoo Babbaay, buuxa lagu dhawray,
iyo kaa Bataatigu watee, saaran buradiisa, Badankiisa ---
Barbarooni Tuuntiyo Qaraha, iyo Basbaaskaaba,

Bambeelmada macaan ee jirkiyo, 

ama Bawdka weyn ee Hilbaha, saaran Buradooda,
ee Geela loo bogo markii, Caano laga buufin,
ama Kurus banooniga ka weyn, Bawdo laga hiigi,
iyo Looda Beerkeeda ama, baasha garabkeeda,
iyo Ari Baruur loo Hilbaha, laga bashaaqaayo,

Badarrada haruurkiyo Galley, bixi Sabuulkoodu,

mid qurihi hadduu bayro ee, caadadii buriyo,
ee Diirku boodee ka tago, dhigo Baannaan liita,
Bolol iyo hallow baa imaan, Bushin la saarayne, 
miyaanay wax loo bogo ahayn, looga baqo Baari' ?  Baari' ku aqooto,
oo billaahi inu Xaq yihiyo, Baari' ku aqooto?

Biyahaa haddaan weyno ay, Ba'aydu yeerayso,
bal ka warran iyagoon lahayn, Buro daboolaysa,
oo Daleed bannaan yaalla iyo, Balli hiraacaaya,
oo aanan bololayn haddii, Buubku ku abaado,

Sinjibiisha loo boogo haddii, cudur na soo Booqdo,
Qarfihiyo Bigiljaanka iyo, Baamiyaha fiican,
oo jilbaha bogsiiyoo Ilaah, Baaxad ugu yeelo,
Malabkiyo Barwaaqada macaan, waxan bashuuqayno, bagaaxayno
nicmadaa is buuraysa ee, wada bidhaamaysa,

Beri gashow waxan quudannee, Boqol kun dhaafaaya,
Eebbaha barbaarshee bisayl, nooga dhigay buuxa,
inaan caasinnaa waa Beliyo, Baas na suganaaye,
war hoy aan Bulshoy Eebbaheen, Barinno Khayrkiisa,
oon ibliiska Beer lagu dhifaya, Xaasid bururaaya,
Bud u qaadannaa ama Rasaas, Baqara tuurayso,
iyo Baari' mar an Megen galnuu, buriyo Shaydaanka,
aan ibliiska nagu beerraqaa, kicinno boorkiisa.

barwaaqada wada burqee
TUFAAX, MALAB, TIMIR, liin dhanaan
kama weyna baliidnimo inaan, barannin diintiise,

Yaanyo, Tamaandhada, Karootada, Xoolaha,  
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk