Belada idin haysiyo Diimihiinnu badanaa, 07 July, 2005

Maansadan yar ee 'BELADA IDIN HAYSIYO, DIIMIHIINNU BADANAA' oo soo baxday 07-07-2005, sida aad
ka garan kartaanba waxa aan la yaabay qaab darrada tolkey Soomaali, oo marka ay Masaajidda ama Isbitaallada ama Biil-Elka isugu yimaadaan iyagaa dad isugu jecel, oo ugu midnimo badan,

1- Yacni marka imaamku Salaadda ku leeyahay isku dhawaada oo Faraha sima, Qofka kor uma eegayo, ee farihiisa ayuu faraha qofka kale la simayaa, waxana laga yaabaa markuu salaama naqsado,  inuu garto oo yiraahdo oooooow war illeen waa hebel,

2- Sidoo kale marka ay Biil-El ama Basaska Rakaabka raacayaan, ee uu Kirishboygu leeyahay Hal-Boos, Hal-Boos, Hal-Boos... degdeg buu halka qof ku fuulayaa, isagoon eegin qofka garab fadhiya, ayuu halka kursi oo bannaan isku tuurayaa, waxana laga yaabaa hal saac kaddib inuu sidoo kale qofkii garto,

3- Tan xagga isbitaallada taas isakaba daa, iyadoo 4 ta sariir ee qolka taalla, ay kala jiifaan, 4 qof oo kala ah 4 Qabiil oo kala fog, waa sida ay inta Jahligu dilooday u dhigaane, Cuntada ayey isla cunaan, hadba kii xanuunkiisu sii liito, la garab galaa oo musqusha la geeyaa, Laakiin Masiibo aabbaheed waxay timid, markii ay 3 daas meelood ka tagaan, Xayawaan bay soo baxaan, oo Xabbadda, Madfaca, Xaasidnimada iyo Axmaqnimada ayaa u billaabata.

S.Darteed, waxan is iri qof kasta oo Soomaali ah, qof kale ayaa caloosha ugu sii dhex jira, oo midna saddexdaas meelood ayuu ka shaqeeyaa oo u xil saaranyahay, midka 2aadna goobaha kale ayuu ka shaqeeyaa, Calaa kulli xaal, waa tan maansadii:-
  
Somalaay Baraadlaay, Biyaheeda gurisaay,
Gacalkeeda bi'iyaay, Shaydaan beleeyoo,
Buuraha ka tuuriyo, Cadowgeeda baanshaay,

markaad Bii-El fuushaan, amaad Baytka Eebbiyo,
u baxdaan Salaadaha, ama aad bukootood, 
Isbitaal ka buuxdaan, waadinkays bariidshoo, 
is bogaadinaayoo, is bahaysanaayoo, 
isu beer naxaayoo, qof kastaaba Biilkay, 
u keenaan Bahdiisii, ka baashiisa jiifaa, 
la cunaaya Baadkoo, la cabaaya Biyahee, 

Bacdal dhowr daqiiqood, marka aad biskootee, 
aad sii baxaysaan, waa maxay Balaayada, 
iyo Baaska idin hela, oo aad Bannaanada, 
iyo Suuqa barihii ama, Booska kiinniyo, 
Gurigiinna Buulkaa, ama Baarka sheekiyo, 
Barta Shaaha joogtaan, waydinkays baroonshoo,
u bogaa Qabiil koo, bururaaya Ciilkoo, 

Hadduu Biri-ma-geydiyo, Barfasoor tacliin liyo,
Buuni Sheekha uu yahay, ama Baarri Caan iyo,
Bawdka kii diin xiga, cidna ay badbaadeyn,

Bal waa yaabka yaabkiye, markaad Baytka Eebbaha,
wada baarramayseen, qofka aan Bishaar qura, 
Bidhaantiisa moodayey, show Bishaar kaleetuu, 
midba Baasha hoosiyo, ku qarsaayey Beerkoo, 
markuu sii baxaayee, sii dhaafi Baytkuu,
mid kastaaba belo iyo, la soo boodi kii kale, 

War waa aad ba'deenoo, Baylahdaana noqoteen, 
ee shicibkan booyee, Baabah aad ka siiseen,
Baahiyo dhibaatiyo, Balahoowga geliseen, 
Baari' baa abuurtoo, Berri idin ciqaabiye,
maad Bareegga qabataan, ood Ilaah ka baqataan, 

Somaalaay Baruud laay, Biti iyo Baraad laay,
Belada idin haysiyo, Diimihiinnu badanaa? 
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk