Baaruudda Ubadkeenna, 16-06-2018
Ciidihii baxnaaniya la rabey, faraxa oo buuxa,  baabkiisa,
Baaruudda Ubadkeena uu, buguguxdaa haayo,
oo hadduu baraarugaba uu,  bajajacdaa haayo, ---
Billaawihihiyo soorkiyo shakado, buuxo gumucoodu,
Banaatiiqda aakiyo baroon, faalka buguftaa leh,
Bastoolooyin laysula baxaa, buridu yeerayso,
Balaayooyin bururaaya ee, bururuflaynaaya,
Bulullayrka beledkii qabsaday, holaca buubaaya, (boodaaya)
waqtigii baraadkiyo la rabey, raaxo loo bogayo,
haddii ubadki Baas iyo la yiri, hooda belo faaxi, waarta, ---
sow balaayo inay saadiyaan, Berrito soo boodi,
oo beledka loogaga qaxaa, haatan maad baranin?

hawaduna buluushin
ma sanboorka buuxsamay ayaa

guryo gubanaya
boqol sano oday joogey oo,  biixiyuhu tiicay,
oo dhabarku soo boormay oo, booc ku tukubaaya,
isagoo baxoo waayo hore, burin xusuusteeda,
oo dhaqaaq baxnaanaaya oo, boobi socodkiisa,
labadiisa bawdood hortood, bajajacdii yeertay,
kor hadduu u boodee sidii, cawl u bulaleeyey,
ee bakoorti bogga uga dhacdoo, dib ugu soo beegmay,
ee boggiisa ushii ay gashoo, dib ugu soo beegmay,
ilaaheenna Baari'i hadduu, geeri ka badbaadsho,
sow inuu habaar beegsadaa, maaha balawgiisu,
sow habaarki uu beegsadaa, maaha belo waalan, 

oday bajajac la hor dhigay, ------
bakooradii bogga ka gashay, ------


mooryaanki baay hoofka ee, buufis erinaayey,
ee buglaha saqiirradu wateen, dheesha ------
bartankii banooniga markuu, soo dhex barabaabay,
ee banooni boodboodayana, beerka loo geliyey,
awaluu dakane baaxadliyo, qabey balaahoobe,
baaska iyo waa tuu ku furay, belo rasaaseede,
saqiirradina maydkii batoo, dhiiggu balaxleeyey, 

saqiir sasaya
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk