Asal Aabbaheenniyo, Umaamaan wadaagnaa, 27-01-2018
 Su'aalahan irdhada mudan, Irid yaa u bixin kara?

Waatan lugu aleeladoo, Itoobiya la'aaminoo,
Nin kastaa ammaanaye,

Anigiyo Amxaaradu, Hiddo lugu arooriyo,
ma af baan wadaagnaa?

Anigiyo Amxaaradu, ma Ilaah la sheegtiyo,
Ummadnimaan wadaagnaa?

Anigiyo Amxaaradu, ma Awlaad la dhalay iyo,
Ahalnimaan wadaagnaa?.

Sujuud

JAWAAB:

Su'aalahan Irdhada mudan, Irid anow bixinayee, haddii aan su'aalaha, Ujeedkaada mooyee, ka abbaaro irid kale, horta hore abwaanow, Ammaan iyo ammaan yari, uunku wuu u simanyahay, sanamyada agtoodaa, uuman waxaa ku ag nool, ku caabbuda ilaahood, Kacbadana u fiirsoo, Dukaammaa ku ag yaal, aan batroonigoodii, Kacbada iyo aaggeed, Salaad uu u aadayn, marka xiga Abwaanow, Amxaarada ad sheegtana, Kushitiga afkiisiyo, Jaar loo irkado iyo, Dhulka aan ku noolniyo, Afrikaan wadaagnaa, Abuurtana Raxmaankiyo, Eebbaan wadaagnaa. Asalkana Firkeennii, Aadan aabbaheenniyo, Xaawaan inoo siman. Waad ogtahay Qur'aankiyo, Axaadiista Nabigana, kan afkaa ka sheegtoo, oofaha ku goynaya, waxa kaaga ehel wacan, kaagana abaal roon, hadduu doono Eebbiyo, Allihiis ha caasiyo, isagay u taallaa, Naartana u aadiye, kii Ammaan ku siiyoo, Marti aad u noqotoo, Ubadkaaga dilin ood, eeggaba la nooshahay. Saa aawadeed baan, Meel aan ka aadnoon, uga sii hijroonnaan, albaabkeeda garanayn. Oraahdayda kore waxa, ii sii adkaynaya, Ustaraaliyaan tegey, Aasiyey dhaweysoo, Ameeriikna aadoo, waaniga la ool ahe, dhulka aan ku faanayo, Ammaan aan ku haystiyo, iiga nolol wanaagsane, Addis oo Malaayiin, iyo weli Isliidaba, Naf la caari awgiis, Walaalkiisi Eebada, Amley iyo Gantaalaha, Qaxa ugu hijreeyeen, haatan ay ku noolyiin, inan Eedda saarnaa, wayla Aabi anigaan, haddii araktidaydiyo, ereygaygan idin dhibo, yaan laygu eedayn, wuu hallaabay laygu oran, Aragtidayda liidatiyo, Eedda saara garashada. Abwaanow qiyaastey, waan ku damac aqaannaa, ma diiddanid Itoobiya, Jaarnimo ma aad nicin, oo waaba dabcigaa, ku amrayso diintaa, Ujeeddadan ka weecdiyo, Aaggaad u jeeddiyo, arrintii haddaan galo, ma aqbalo Nifaaqiyo, eeyaha Amxaarada, Sentimaad u doontoo, aan na kala jeclayn oon, iyagana u hiillayn, aniganay halaagaya, ee ruufiyaannimo, uga raadsan wuxu cuno, oo ujeeddadiis tahay, Adduunyada wuxuu liqo, inu uurka buuxsado. Aan gebagebeeyee, inkastoon intaan iri soo sheegay aan nahay, iyaduna ogow oo, inta uu adaahiyo, Qabiiliiste urayaa, Arligayga joogee, Ubadkayga laynayo, Amxaar waa walaalkey, isagaasi iga xiga.

Jawaab Celis

Ninkastaaba aragtida Ilaahay u uumiyo Aaminaadu waa gaar

Jawaab2

Abwaanow walaalkey, nin kastaba aragtidu, iyadoy u gaar tahay, ayaa waxa jira shey, inaan ku midownaa, qasab tahay Ilaahiya, adigow abwaanoo, wixii iman doonaba, ruuxa aan qiyaasayn, waxa eegga joogana, ma arkaad na tiriye, Anigoo walaalkey, ubadkayga dooxayo, ummushayda kufsanayo, Allahayga kasekow, kii iga badbaadshee, Gogoshiisa ii dhigi, inan isir magiciyo, ku fogeeyo awow hore, oon iraa ehel iyo, abaynaan wadaaginan, dembi uga dhigayaa, ina Ubuc weyniyo, bahalkaa i ruugina, ku ammaano magac uun, Allaylehe walaalow, ii cuntami maysoo, inay daaw saxa tahay, ii lama ekoonee, eraygeeda soo xiroo, irid kale inoo bixi. misna waan aqbalayaa, khalad inan ku joogoon, aragtida ka ba'anahay. ---------------------------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk