ALLOW YAA GABOOYAHA, 23-09-2005

Maansadan yar ee ALLOW YAA GABOOYAHA YIRAA oo soo baxaday 23 Sep, 2005, waxay ku saabsantahay
dadka ama qabiillada is qaadqaada ee wax aysan ahayn is mooday, ayna ugu horrayso beesha la igu tiriyo oo
aan Alle ku weydiisanayey in uu illahay xilalka iyo mas'uuliyadda dalkeenna ka ilaaliyo, nooguna dhiibo kuwa lugu
xaqiro wanaagga iyo sharafta ay leeyihiin darteed oo keliya, iyo shaqada farsamada heerka sare ah ee ay dad &
dalba noo qabtaan, aanna uga dhigno cillad iyo dembi aynaan gabdhahooda ku guursan wiilasheennana u guurin.

bal u fiirso kuwa noo sameeya dharka aannu ku lebbisanno waxan dhahnaa waa Yaxar, kan badda nooga soo saara
kalluunka, mujawharaadka iyo luulku waa Jaaji, kan maqaarka intuu midgeeyo oo nadiifiyo nooga dhiga Kabo qurux
badan oo aan ku lebbisanno waa midgaan, kan birta noo tuma ee nooga sameeya dhammaan qalabka aan u
baahannahay waa Tumaal, kan timaha noo jara waa Timo-jare, kulligoodna waxan dembi uga dhignaa hawshaas
qiimaha leh ee ay noo qabtaan, halka dadka kale ee ajnebiga ah aysan jirin hal hawl keliya oo aan ku xaqirno, iskaba
daa taase xitaa haddii ay xumaan sameeyaan waan ku ammaannaa oo ku dayannaa.

markaa haddii xilka naloo dhiibo isla daqiiqadda nala magacaabo ayaan dad iyo duunyo cagta marinaynaa,
waxay leedahay maansadu:- 

Allow yaa Qabiil gooya,   oo Geeri ku ogaada
oo yaa guddoon nooga dhiga,    kii wax noo gelaya
Gardarrada Allow yaa guboo,    gaar uga istaaga
Dadkii aan gumaynee ahaa,    guudka nolosheenna
Allow yaa Gabooyaha yiraa,    gaarka naga haaya
Ajidaana gaabsada yiraa,     Gaajo baad tahaye!
 
Allow Goodirkiyo Cawl kuwaa,    Goosha dilanaaya
Allow yaa Ammaan guud dhigoo,    siiya Gabadheenna
oo kuwa Gob baan nahay yiree,    gooyey Ubadkeenna
Gini iyo Galbeed geeya oo,    Guluf ku raacdeeya!
 
Laba jeer God uu Muummin galay,    waa ged aan dhicine
oo Haan guntaa laga tolaa,    Gucun horaadkeede
ee yaa Gurbood Diinta bara,    Gabarya Wiilkeenna
oo Dummarka guursada middii,    Diinta garanaysa
oon Magac Gidaar iyo Galool,     Gawlallo u eegin
ee Ruuxu wuxuu gooyo iyo,     wuxu gelaa eega.
 
Mid Qabiil ku guuriyo waxaa,     nugu gabraaraayey
kuwo jaray Geyaankeenni iyo,     Guuto bahalleeye
adoo gacan bannaan oo Faqrigu,    kugu dul gawdiido
inad Kibir la goohdood midkaad,    Gacanta hoorsaysey
walaalkaagi goydiyo weliba,    Gabar geyaankaaya 
waa Guulle caradiisi oo,    Gaawo laga buuxshey

ee wuxuu Qabiil nala gulfoo,     nala Gawaan raaco

Cadowneenni gaamuray Harkii,    Hoosta noo geliye
Allow yaa Gefkii hore saxoo,    fura Garaadkeenna  
oo yaa Ninkii Guur rabee,     garan Ilaahiisa
oo inuu xilkaa gudanayana,     Goobta ka caddeeya
Galbeed iyo Gobeeya u dhisoo,    Garab istaagnaada.  
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk