Allow yaa abwaan - 30 Dec, 2005
Maansadan Allow yaa Abwaan oo soo baxday 30-12-2005 waxan tiriyey markii aan arkay sida Dadka Mu'allifiinta ah xitaa kuwa aan Diinta wax aqoona u lahayni (uga hadlaan waxa dhabta ah ee markaa jira iyo waxa dhici doona saadaalintooda (Cilmul qayb ma ogee) oo alle ku ilhaamiyo afkooda, oo xitaa Diintu si toos ah u sheegayso Gabayga in wixii fiican laga qaato sida xadiith ku yiri: Gabayga Xikmad baa ka mida, Allena aayad ugu yiri: Dadka si Xikmad ah xaqa ugu yeera, taas oo muujinaysa Gabayga iwm, Haddaba waxa aan xusuustay Gabayo badan oo abwaaniin hore ku tirisay Dowladdii Maxamed Siyaad oo ay ku sheegayeeyn Berigaas waxa maanta dhibaato haysata Ummadda Soomaaliyeed, sida allaha u naxariistee, Abwaanka C/Qaadir Xirsi SIyaad (Yamyam) uu yiri: War intuunan Walaaqyaye Dadkaan Webiga sii raacin, wax dambood ka eegtaani waa Woow Ya' lagu reebye 1974 tii, Webigiina waa tan Badda yamaneed dadkii ku dhammaaday, Wow Ya' lagu reebna waataa Soomaalidu WAY da gurtay markii Waqooyi Diyaaradaha lagu garaacayey iyo Gobollada Bari iyo kuwa dhexeba wixii ku dhacayey, iyo ilaa maanta Wayda yeeraysa.

SidaaD, hadduu berigaas samayn lahaa Gole ama Baarlamaan Abwaaninta u gaar ah, ee uu ku yiraahdo bal saadaaliya Maamulkayga iyo waxa qaldan iyo waxa iman doona, kaddibna uu kala dhex baxo wixii ay ku kulmaan, xaalkani ma jireen ee Cadow bay Dowladdii ka dhigatay Mu'allifiintii berigaas ilaa uu Yamyam ka yiri: Laba webi dhexdood baan Harraad Beerka dhigayaa, Aqal baan dhisaa aan lahayn Reer u dheelmada e, Ceel baan dhuraa aan Biyihi Ruux dhedheminayne, Weji 2 dhan igu eegayaan Hadal dhacsiiyaaye, Waayeel Dhabtii diidayaan samo ka dhowraaye, marka gabaygaas oo dheeraa iyo kuwo la mid ah ayaa iga keenay ee gabay ulama jeedin markii aan sameynayey oo diyaarba uma ahayn hawl kalaan ku mashquulsanaa wuxuuna ahaa sidan:- 

Khalad aad adigu geysataad,   Gocosho reentaaye
Goor iyo ayaan buu Abwaan,   Gabayo reebaaye
oo Gayshka uga sii digaa,   Reerka gubi doona
haddii lagase Gaws diido ee,   lagu gaboodaana
Qoomkoo gamaaroo God iyo,   Goosan lagu laayey
ayum bay u guuxaan Gadaal,   Gabayadiisiiye
oo ay Shallaay gaardiyaan,   Gebi Dadkiisiiye

Allow yaa Abwaan Guurti iyo,   Gole u maageera
oo yaa Gasiinka u dhigoo,   Gaajada ka dhawra
oo yaa yiraa Gaabiskiyo,   Gubaha noo sheega
oo Diinta kii gees maraa,   Gabay ku ceebeeya
oo Khayr na gaarsiinayana,   Gabay ku taageera

qaar baana inan Gabay ahoon,   Darajo goobaayo
Qalbigooda gelin oo Dadkaan,   aad u garanaaye
ee Gooni yaa iga dhigoon,   Goobta igu biirin !

Gef lagaa galaa laga samraa,   lagana guuraaye
Ajir baana laga goobayoo,   waa Gar ereygaase
hayeeshee kuwaan Gelin horiyo,   Gooshka iman doona
midna aan garayn oon Ilmaha,   dhaafin Gogoshooda
Taariikhda yaa Geeddi iyo,   Sharax ku gaarsiiya
oo kii gumaadiyo u qora,   Magaci googooyey

Culummadi la gawracahayee,   Goofka lagu laayey
iyo Dulumki lagu gelahayee,   Ruuxi lagu gooyey
Gardarradan Gabbaad iyo lahayn,   Geedo lagu kaayo
Guxushaa dambiyo saan Guduri,   nooga gelin Eedo
Gabar iyo Gurboodkaba ayaa,   Gebi ogaysiiya
oo yaa Garaadkooda iyo,   geliya laabtooda
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk