ALLOW AAFO GELI, 20-06-2004
Maansadan Allow Aafo geli waxay soo baxday maalintay kuwii inkaarta qabey abtigay iga dileen 20-06-2004, markaa anigoon aqoon burcaddii dulliga ahayd & diintoon ii oggolayn inaan gacantayda ku aarsado darteed baan in yar oo Habaar ahoon xaq u leeyahay ku habaaray, waxayna ahayd:

Inkastoon ilaahey aqaan, & amuurtiisa,
oo ay inkaar iima lihi, ummaddi laynayso,
oo aan Afeef hore lahaa, & ka aashiinna,
abtigey kuwii diley ayaan, iil u dirayaaye,
aqbal dhaha an Eebbahey warsado, inu ajiibaaye,

Inkastood Allow iga taqaan, aniga uunkiisa,
anna qaybti aad iga bartaan, soo awilayaaye,
Duco hooyadiis baan ogaa, awel horraantiiye,

Afka kama u deyn Hiindo &, amar i siidaaye,
uumatidaw dhedhemi uu sidiyo, hoo anfacadaane,
magaciisna wuu ugu ekaa, sida abuurkiiye,
Naxariis ayaa lugu yiqiin, aad u fara weyne!

Salaadahana wuu oogayoo, Jamac ku aadaayey,
ma aqoon daroog & beliyo, Aabi aadane e,
ma cunayn ammanada intuu, uurka buuxsado e,
Axdigana kamuu bixin intuu, aayar taagsadaye,

aqriyaha Qur'aan buu ahaa, Alif hikaaddiise,
isagoo ku eedaamayoo, Aayadaha muujey,
anigaa u soo galay Allayl, Ammin dhexaadkiiye,
marqaatina Adaa ii ahoo, aad u garanaa e,

Adigaa Islaax nugu amriyo, Edeb la dhawraaye,
Nabadduu ilaalinahayee, oofta lugu gooyey,
uga yeel Sallaan uu ku maro, Beri la ooyaayo.

adoo Eedda saamaxa na yiri, anan illaabeynin,
ama aad ka aarsada na tiri, iniq ha dheerayna,
kuwii diley Allow aafo geli, Eber ka siinaysa,
ciribtooda goo oo Allow, unugna haw reebin,
ha u gelin axsaan waa ibliis, Aaran uu rogaye,

iyagaa uluufaad dadkii, wada Unuun gooyey,
iyagaa ugaarshoo dhammaan, Ayda ku aruurshay,
iyagaa Abaar & na baday, ololkan aan joogno,
sidaadey addoonnimo rabaan, inan sujuudnaaye,
adigoo kuwaas aasay oo, oofta wada gooyey,
soo celi barwaaqiyo Udgoon, Ubaxi nuuraayey,

Allow dunida kaan aabi &, dulum u iilaynin,
oon Eed ka gelin Uun horiyo, uunka jira maanta,
ha ahaado gaal & Islaam, ayniguu rabo e,
uu nabad ku noolaado &, Raaxo edegteeda,
 
aan hoos u sii aado oon, ducada soo oodo,
ilaahow adoo taa aqbalay, umalka aan sheegtay,
oo eyda wada aasayoo, oofta wada gooyey,
abti & Allow aabbahey, & ayeydeyda,
& hooyadey aaminiyo, ehelka keygaaba,
wada gee ilwaaddii Jannee, ubuxu yiilyiillay,
una gee asxaabtiyo kuwaad, raalli ka ahaatay,
anigana halkaa iigu gee, waan ku aaminaye.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk