Abtiyow Cismaanow - 13 Nov, 2005
Maansadan Abtiyow waxan tiriyey mar aan tegey tuulada Buulo-mareer 13-11-2005, oo aan arkay Cusmaan oo kashaqeynayey shirkadda isgaarsiinta Hormuud, isaga oo koox kaloo aniga la i xijiyo ay kula kaftamayaan Sheeko qabiil-qabiil, markaa ayaan ka xumaaday maadaama uu abti ugu aaddanaa balse aysan qiimayn soomaalidu abtiga iyo dhammaan wixii dhanka hooyada ka soo jeeda, waxayna ahayd: -

Abtiyow cismaanow,  isimkaagu Rixin buu,
ku aroorayaayoo,  waxad aag la joogtaa,
Habaryaro Ammuun iyo,  Hoyadeydi aamino, 

Somaalidaad arkeysaa,  Arxankiyo markii ay,
Abtinnimo illowdee,  Adeer Seben horeetoo, 
dhawrya Toban Awoowaa,  Aqaaribo ka yeesheen, 
buu Ilaah halaagoo,  iil iyo ka hoos dhigay. 

Aniguna Ayaantii,  Ololkiyo Colaadaha, 
Ummul dooxayaashiyo,  Arxan googu uu jirey, 
Afeef baan ka geystoo,  waxan iri inkaaryahay,
ma intaan Adoogii,  Madarkicis ogaadaan, 
Gidirey illoobaa ? 

oo intaan Abtigey,  Heriddiid af-duubaan, 
Hiraab aan ilaalshaa ? 

oo intaan Abtinnimo,  laba jeer asqeeyaan, 
laba Oday waraabshaa,

oo intaan Adeer hore,   uduufada dhaweystaan,
Abtiyaal fogeeyaa,   oo aan Islaamkiyo,
Diinteyda aasaa ? 

Waxan iri inkaaryahay,  sida aan arkaayee, 
Muuqiinnu uu yahay,  ee Uunka Dunidiyo, 
Ummadaha dhiggiinnaa,  orod idinku dhaafeen, 
kama yara Inkaartii,  abtiyaal horoo tegey, 

Waxad ilase eegtaan,  ood Marag ahaataan, 
Shallaytada Adduunyiyo,  aakhirood ku oydaan, 

War ma Hooyadi uu,  Allaheena weynuhu, 
Saddex uu u xiray oo,  dadkuna ay yiraahdeen, 
Cagta ay ku socotaa,  agteedaa naloo dhigay, 
Jannadeenna Udugga leh, baan Abaydinkeediyo, 
Ehelkeeda laayaa. 

Si kastaba markii aan,  Erey qura iraahdaba, 
Sulux baad ahaatey,  Abaal iiga dhigayeen, 

Abtiyow sidii bay,  ammuuruhu noqdeenoo,
waa kuwa Aroortiyo,  qaxa Oogga waaberi,
oo Maydku uu yaal,  Aasiya dhexdeediyo, 
Afrikada dhammaanteed, 

Waana taa Ixsaan li'i,  Ardaalnimada toodihi, 
ay u geysey cadowgii,   Darraad ay eryaayeen, 
isna uma naxaayoo,   waa Ibliis Gumaystee, 
iyagoo ku ooyoo,   Gacmahaa u taaguu, 
Unuunkooda gooyaa. 

Waxan ugu dambaystii,  Abtiyow codsanayaa,
inaad Aabillowgiyo,   kii Aaya laawaa, 
Adyadduu ku qawliyo,  Ereygiisa noo qaban, 
ood noo ducaysoo,  Ilaahey ajiibaa, 
anna Ubad miskiinoo,  loo duceeyey baan ahe, 
Aammiinta baan guri ! 
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk