ABAAL LAAWE, 27-07-2016
Maansadan koobane ABAAL-LAAWE, waxay soo baxday 27-07-2016, waxay ku saabsantahay saaxiibkay iyo walaalkey Salaad iyo nin si xun uga abaal dhacay, waxayna leedahay:

Abaal yuuba soo gudin,  waxna tarin Ayeydiye,
suu aayihiisiyo,   Amuuruhu u toosaan, 
Ruuxii abaabuley,  u eedoobay awgiis,
Ruuxa oofa gooyee,  Aabiga ku maagaya,
Abaal laawe weeyiyo,   aabbihii xumaantee,
intaan Amar Ilaah iyo,   Aafooyin lagu dhigin,
Allow yaa ka aal oo,   ku yiraahda Aashaa!   

inuu gudo Abaal iyo,   Anfac kale ha joogee,
goortuu u haarayey,   kursi uu u ooyayey,
Shalay kii u hiilshee,   garabkiis istaaguu,
wuxuu Eebbe siiyiyo,   Arzaaqduu u soo qoro,
araggeeda ka naxaa,  ------

Midgaannimo ogow oo,  Soomaali kaa ay,
u taqaanno maahane,   waa Abaal laawaha,
ayaantay ka taallana,  ilmadiisu qubanee,
goortuu Amuurtiyo,   ujeedkiisi gaarana,
kugu soo abraaroo,   oofaha ku gooyee,
Allow yaa ka aal oo,    ku yiraahda aashaa,

Bakhayl waaba edeblow,  anfaciisa keliyuu,
kuu diidi Adigee,  ruuxa oodda jebiyee,
Islaamka iyo Gaalaba,   wixii ay ku siiyaan,
uga naxa sidii Waran,   Ar ha siinnin ku yiraa,
sow Shaxiix abaadiyo,   Shaydaan Awlaaddiyo,
Abeesadii dheregtiyo, Abris jiifa muu aha?
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk