13-02-2018
Dharaaraha maalmihiyo,  xusuus taariiqda dhigan
waayaha aan is dheellitirin,  aduunyadu waa is dhaaf
laf dhuuxliyo dhagax la doon,  adoo dhiisha u cugtaa
dhigaa loo wareejiyaa,  adoon dhibcaheeda sugin
mar baad dhaxalkeed heshaa,  adoo dhacadiid hurdaa
haleelladu kuu dhashaa,  adoon dhaxan iyo qabow
ka dhuuman caceedahaan,  nasiibkaa kuu dhammeyn
aduunyadu waa is dhaaf.
---------------------

13-2-2018

mar baa dhalyo nimaad tihiin,  ka wacanyahay dhaqan wadaag
mar beey xigto dhaadashadu,  dhabtii kuu hiillisaa
haddaanad ka dhiidhinoo,  Dheg xumo diid noqon adigu
Dhirbaaxada quudhsigaa,  Dhafoorkaagay ku taal
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk