Xamar yaa xadgudubkiyo, xurmo li'ida ku xukumay, 27-01-2018 klf Ahmed Elmi facebook
Xilli iyo dadkiisee,  xoogga dhallinyartaydaay
xaruntii midnimadiyo, Xamar yaa xadgudubkiyo
xurmo li'ida ku xukumay?

waa xero gobeedoo,  marti lagu xushmeeyee
xeerbeeg u talisiyo,  in la helo xaqeedii
xisaab taagan weeyaan

JAWAAB

Xaajiyow abwaanow, xamar waxa xadgudubkiyo, xurma li'ida ku xukumay, culummadan xasuuqneen, ihaanada ku xukunnay, xisaabteedi weeyee, xeerbeegta aad tiri, xushmad baan ka sugayaa, sow kuwa xalaashaday, xoolahoo lagaa dhacay, Xaqaagoy arkaayaan, gar xumoo nacleeyoy, Xishoodkii ku daayeen, kaaga xoorsha may ahan? sow kuwo xarraamee, hadba kooda Xayrtiyo Xulustiisu weyntahay, Dalka inu xaraashiyo, hoggaankeenna xuladkaa, Xaraaradu u qabataba, xukunkeen u dhiibee, Sandareer xayeesiya, uu xisaabinaayee, u xilaaya may aha? --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk