Taababka aan u siibno, 05-10-2018
Umad tiih ku dhacayoo, Sayasrifu hor taaloo,
tawaqdoo wareertoo, tacab keed burburayoo,
tarankeed qasaaroo, taariiqdeed madoowdaan,
ana toosi leeyahay, bal nasiib turxaanteey,
dhig baan tiir la doontaa, markaan taab idhaahdaba,
tubtuu ii baneeyaa.

Juma Mubaarak
Ehelk iyo asxaabtaba

JAWAAB:

Tiiha ummad helayee, Tacabkeed burburiyaa, reer tusaale bixiyiyo, Abwaannada Ta'leyduu, horta uu taraaraa, la helaa Tatoommada, Mooyaha tibkiisii, kan tuuraya indhool yahay, Toos uguma aadshee, isagays ku toogtoo, Tafahuu is gooyaa, Tiirkaan ordaayee, dhigtiisii ka tooxsaa, waxa uu tebaayaa, waa Toogashada iyo, Tuuryadaad ridaysee, ha noqonin Tukaaliyo, odagii talaayee, Toorrey u qaatoo, Tunka duulsha Ri'da yiri, Dabeed Dheriga tuujoo, Toddoba ku jebsha yiri, ee ooyin talalee, bal haddaan ka tago een, Aakhiraw tallaabsado, Tusaalahaa yariiskaa, reerka taabi waayeen, Berri yaw talaa yiri, Tiihu ha dhammaadee, tolka aad tebeysana, ha turxaama baxee, qabaliya takoorrey, aan tuuryeyno oo, Tiirarkaa celaayiyo, taababkeeda siibnee, Ta'ley noo billaw aan, Qabaliyo ku tooganno, haddii kale tollaaydiyo, Tarab-tarab u le'edkiyo, Tiihu wuu soconiye, Tawaawacan joogteed, Caloosheenna taabee, jooji taararkiisaa. JUMCA MUBAARAK. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk