29-01-2018
nabaad guurka waayuhu markuu,  Nabar ku gaarsiiyo
nin ku neceb nin kaa neceb hadday,   nololi kuu geyso
naxligiyo dhibaatada ayaad,   niicle noqotaaye
inkastuu nasteex kuu faluu,  naallo kugu quudsho
nacabkaa warkuu kugu nudaa,  naafo kugu reebye
inkastoo nin raga aad tahoo,  sheed ka naawile ah
u nuglaatey khayrkaa markuu,  naafku kaa jiro e

nacaskiyo nin liituhu markuu,  faafsho nacamtaada
naaneysta ceebeed markuu,  dumarku naanaadsho
nacday nolosha aad haysatiyo,  nuuca aad tahaye
nasrigaaga Eeboow nasii,  yaan niyo xumaane

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk