Muddaan sugay Waayaha, 26-02-2018
Muddaan sugay waayahoo,  Xumaanta ka maydhayoo
lahaa mahuraan u noqo,  Wax muuqdoon midigtu hayn
waxaan meel maran sugaba,  anoo og mindida qarsoon
aaxaan Gogol muuna badan,  Ku maamilay sharaf ma geye

Jacaylkaan mooradi iyo,  Maxlalay milkiguu lahaa
Tolow muu noqon markale,  Miciinkiisii mid hela

Muddaan samir dhawrayoo,  ka faaliyey maalmahoo
Milgaha sharaftiyo dadnimo,  Minkiyo madasha u xidhee
waxaan Meeraha sugaba,  anoo miidhada ogsoon
waxaan maamuus gobeed,  macsuumay nimaan mudnayn

Jacaykaan mooradiyo,  maxlalay milkiguu lahaa
Tolow muu noqon markale,  Miciinkiisi mid hela
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk