Hawooy Been ku hammiyaay, 29-06-2018
Hawoy been ku hammiyaay,  Heshiiska dantey nacdaa,
waxaanay heleynin bay, had iyo jeer haybsataa,

Hinaasada Aadmigaay,  Naftaad halisteed tahoo,
Halaagga adowgu wacan,  maxaad Noolaha hoddaa,
Hamuuntaa ruuxi qabey,  muxuu Haadaan ka dhacay,
Garaadku ninkaanuu hageyn,  Horseedkiisaad tahee, 
Hummaag aan jirin tusaay,  ma hiilshaay hawaawiyaay,
Hadh subax Aadmiga dhigaay,  haddana hiifaay Waqtiga,

JUMCA MUBAARAK
EHELKIYO ASXAABTABA:

JAWAAB:

Hawada la sheegay iyo, Hammiga haddii an ahay, Aadmigan hayaaydalow, waadiga i hiifayee, Digniin hore maadan qabin, Allihii Hankiya lahaa, koley Heyjada ku tahay, Noolaha hugmaya dhulkaan, ku oran war hooy ka joog, Hawiya Naftuba ogow, inay ku hoojin oo, Holankii cadaabta iyo, Haawiya ku geynayaan, Aadmigan hantaatacow, isagu is heerayow, Hawshiisi loo igmaday, Halihii la raaciyiyo, dayacay Haleeladii, dabadeed i hiifayoo, Hawoyda uun ku haya, Aadmigan habaarane, Hanuunki Eebbihiis, reer Hiira weerar iyo, reer Hebel ka doortayow, war hoy hay haybsannine, adigays halaagay oo, Heeryadii Ratiga rartee, dembigaad habuuqsatiyo, Haamaha si wacan u qaad. -------------0--------------------- BISMILAAHI EEBOOW BOQOR KALIGII TALIYOOW BAYDLAGUGU CAABUDO KUFRI U MA BANAANEE BAHDII EHELU DIINKAA BAHALADU CUNAAYAAN BADBAADSHOOW ALAHAYOOW HABURBURIYO CADAWGEE NABAR CIIDANKAAGOO BOQOLAALKUN SOODAA

JAWAAB:

BAARI'OWNA AAMMIN, KHALIIF BAYDADKIISIYO, BARYADIISA AQBALOO, BALLAYSTARAHA CELINAYIYO, BEERKA GOO CADAAWAHA. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk