VVV
Heensaha Masraxa iyo,  Heellada ciyaaraha,
marka lays horjoogsado,  Hibo Eebbe bixiyiyo,
Hoodaa laysku dhaafee,  hohey kala horrayntiyo,
Habeen tegey wacnaayaa!

JAWAAB:

Walaalow horjoogiyo, Halyey baad ahayd aan, Heer tolkey xisaabsado, ee Heensa masrax iyo, habar xishoodka deysee, xulusteeda halmatiyo, cawradeeda hoosiyo, barideeda halyacaa, ragga ku hor hurguftoon, Hebla aanan oranayn, balse ila hal garanee, Heykalley ammaanteed, maxaa haatan keenood, noogu hiyi kicinee, sow wixii na haadshoo, na habeenna qixinayey, horraantooda may aha? FAALLO AAN DHIGAY FACEBOOK 30-04-2018 Nin baa laga sheegay: ADDUUNYO LA JOOGO LAMA ARKO, AAKHIRO LA AADANA LA SHEEGI MAYN, mid kalena wuxuu yiri: NIN ADDUUNYO JOOGOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN, NIN AAKHIRO LA GEEYOWSE MAXAA LAGU OGAYSIIYEY, oo micnaheedu yahay wallee war waa dambeeyaa, Nabi Muxammad swc waxaa laga joogaa 1400 iyo jajab sano, Nabi ciisana cs 2018 sano sida la sheegay, ka warrama maalinta qiyaame keligeed waxay la mid tahay 50 kun oo sano, oo dunuubtii dunidii lagu soo sameeyey daraaddeed qorraxdan malaayiinta mayl noo jirtee na gubaysa la keenayo madaxeenna agtiisa, qofka dhididkiisu qarqinayo, hooyada uurka hal bil ah leh ilmaha soo tuurayso iyadoon dhakhtar ka soo ridin, ilmaha haddadan dhashay markuu arko xaalka jira uu markiiba madaxu caddaanayo sida ay sheegayso aayadda suuratu Muzammil ku jirta, wiil iyo waalidkiis kala cararayaan oo qofba is leeyahay yuusan hal dembi kugu sheegan oo culayskan culays kale kuugu sii darin, SOW WAXAAS INAAN XUSUUSANNOON KA HADALNO KAMA FIICNA INTAAN DAD BADANKOOD AHLU FISQI AHAA OO DUMAR AAN NIMAN SHANEEYE KUSOO KOOBAYO ka hadli lahayn? heykalley ammaanteed, --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk