Gurracaney Somaalaay, 12-12-2018
Somalaay gurucaneey, ninba gelin amaanaay,
facebook ku goohaay, qabiilo u gar qaadaay,
danta guud ma garatide, been lagaa gadaayiyo,
laaca guud ka aragtaye, gunta hoose ma ogtahay,

konton gu iyo sideed sano, weli godobti maandeeq,
gashigeedi lama helin, geedigii wadanigii,
weli caynki kama goyn, geeljire gadoodiga,
dhaxan kama gabbado weli, gudgude uma di'inoo,
galoof maran hashiisii, weli geeda doogliyo,
may guran caleemaha, goofkiina muu cugin,
hablihiina garadiyo, maqashii ma kala gurin,
geelo geela doodii, geeraar ma tiriyaan, ---
gocoyadiina may tolin,

gumeyste u kalkaal iyo, doqon goroda dhigataa,
libta geesigoodii, gaagixiyay gelin hore,
waxay soo gucleysaba, maantana ged baa timid,

kuwaan ceebta garanoo, xishoodkii ka guuroo,
sharciga u gefaayoo, qasnadaha u guuroo,
gurta wixii ku jira iyo, doolar gurubsataa timid,

xaq ma mooga guulee, way gaagax badataye,
ha godliyo ilaahay, ibihii guntamay iyo,
garaadkii dulooboo, ha gartaan wanaagiyo,
xoogeeda gaamuray,

JAWAAB:

Aamiin Aamiin, Garaadkoodu suu u kaco, u gartaan wanaaggiyo, xooggooda gaamuray, ha ka yeelo Guulluhu, kuwa garta u hiilshoo, xaqa Garabka siiyoo, qabaliyada gooyiyo, cudurkaa ku gaamuree, Tuugo ciidda gadatiyo, Gumaystaha u loogaya. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk