29-01-2018
Khalif Ahmed,  January 29

Dhuuxiyo laftii baan lahaa,  dhagax la doondoono
dhaayaha basaasaan lahaa,  dheehda waxa fiican
dhegta maqalku owdmaan lahaa,  dhaydhay boogteeda  --------
qalbi anu ku soo dhicin wanaag,  yaan lahaa u dhiidhi -----
mar haddaanay dheereyn dhowayn,  waxaan ku dhaadaayey
asii anu dhuglaawoow wax dhece,  garan dhaliishiisa
dheyel maaha ereygaan cabdoow,  soo bandhigayaaye
dhabtii waxaan hadlaayaa runtiyo,  dhiilo araggeeye
dhanbaalkaygu waa dhiirrigelin,  waana dhaxal reebe
ma dhaafaanka aan qoro waqtiga,   dheelli tirintiisa

dheemaalka geedaha wuxuu,  ubaxa dhaaryaaba
dhoodida kaliileed wuxuu,  dhabar adeyg yeesho
dhurduhuba wuxuu malab dhigaa,  dhagaxa hoostiiye
hayeeshee nimaan garan dhibtiyo,  dhaawac wixi gaadhay
ayaa cunay dhitadii kaydka iyo,  miidda dhaxalkeeda
ninka dhay sagaar dhiil ku shubay,  dhaaxa heemheemi ----
dhuugaal ninkii kaydka dhigay,  dheef kamuu heline
xigtadii is wada dhaawacdeen,  dhiig baxeed joojin  ----
xigtadii dhinbiishay hayaan,  gubay dhallaankooda
xigtadii ninkii dhaanka waday,  dhudhunka goynaysa
xigtadii ninkii dhuri yiqiin,  ceeb la dhinac taagan
iyadays dhantaashaye cidkale,   yey dhaleeceynin


------------------------
Abwaan Cabdikariim Shire Sandheere:
In kastooy xaq nugu tahay, xigmadda iyo taladuba,
xalka iyo wanaaggii, xumahaa ka sare maray,
wixii laga xishoon jirey,  qaar ku xarragooda,
xakammaha u gooyee,  haku Dallin saaxiib,
xal waxaadan u heleyn
-------------------------
AAMAGUUL:

Xaalkaagu waa see, quusta xeebaheediyo,
xeradii isbaarood,  shirow nagu xaraynee,

haddii xumaha diidiyo, xaaraanta kuwo naca,
loo helo xulkeedii,  inta xumaha wadataa,
xakiimkii na uuntiyo, Xayyi baa u joogoo,
xooggooda tabartiyo,  xarkayhay dhigaayaan,
xuub caaro weeyiyo,  xumbo aad afuufiye,
ha xor jebin khaliif iyo,  duul xumaha reebaya,

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk