, 7-09-2018
Ninkii Madaxweyne dhaartay, Dhoobada dhulkan ugu horreeyey,
dhiggiisa markii la doortay, xukunka xarragada u dhiibay,
makastu ma inay ku dheeshaa?

Juma mubarak ehel & asaxaabtaba.

JAWAAB:

Kuma cadda dhagaatiga, dhacdadani liidatee,
nin xarrago wax u dhiibay, ku dheelayso makastuye,
xaggee bay ka dhacdoo, goormayse dhacday?

ka rog oo haddana gudub,
adduunkan is gurayoo, dadka uu u guuroo,
galabba ruux la joogaa, waa qoom garaad loo,
Qabaliyo gumaysane, Gurey sheekh maxamuud,
genka aan xiraynaa, haddii uu gamaaroo,
qabaliyow gariirayo, garanayn dariiq kale,
dadyowgaa galbeedkee, karti & garaad iyo,
ku doorani wuxuu gudo, seen ku gaari doonnaa?

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk