Dabar ku seeteeyey, 27-09-2018
Xildhibaanka dayacaye dan guud, tiisa daba jooga,
ee qaran intuu dooni lahaa, qolo u doodaaya,
soddoh dile dumaashidi xukume, ceeb dilaandiliye,
deldelaadda reerkuu ka qabey, diracnimow moode,
ubad aan dembi lahayn isagu, dulum u soo jiide,
isku diraha kala diraya ee, dumiyey qoyskaa dhan,
waa doqon xilkii loo dirsaday, garanin dawgiisa,
digdigtiyo durbaannadan la tumi, ubadkan daad raacay,
damiir niman lahayn baa dakane, dabin u sii qoolay,
waxba hadalku yuu ila durkine, waxan ku soo duubay,
dembigaa kuwii galay iyagu, diinta dacal dhaafay,
iyo kani dabkaw shidi xumaan, wax isma doorshaane,
caqli-door ha taliyaan murtida, dabar ku seeteeyey,

JAWAABTYDA:

Khaliifow adoon hoos u degan, gaar u dacalaynin, Xildhibaankan dayacaya dan guud, tiisna daba jooga, iyo kaa dabkaw shidi xumaan, holac ka duulaaya, wax ka daran kuwii doortay ee, darajadaw dhiibtay, waxa taa daliisheeda ood, hoos ka daalacani, Doqonkaad xil baa dhibaya tiri, ina daryeelaaya, isagoo Daroogada caboo, Qaad duddubinaaya, oo aan Damiir iyo lahayn, Diinba lugu raaco, Dadnimo u leeyahana aan, luguba soo dooran, Xilna inu dhibayn Daahir tahay, Duhur cadceed joogta, kii soo dallaaliyo midkii, Doollar ka xayuubshay, iyo kuwa daraaddiis Qabiil, ugu ducaynaaya, misna sugi inuu Daacad iyo, Diinta ku hoggaansho, Toban dabaq in laga tuuro oo, Dibile uu jiiro, Deldel iyo kuwaa baa Dil iyo, Doox istaahila e, iska daa inuu daadahshoo, Dawlo maamulo e, ha dulminin ma aad rabin inuu, Meel yar daariyo e, --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk